Sacuudiga oo Xayiraad Cusub oo Yaab leh ku soo rogay Muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Qadar Iyo Gudashada Xajka Oo Siyaasad gashay
Riyadh 13. June 2017 (SDN/QJ):- Saraakiil ka tirsan dowlada Sacuudiga ayaa sheegaya in muwaadiniinta u dhashay Qadar laga mamnuucay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan.
Wargeyska Al-Sharqal-Awsat ayaa in muwaadiniinta Qadar guud ahaanba laga mamnuucay inay soo galaan ama booqdaan dhulka barakeysan ee Sacuudiga.
Boqortooyada sacuudiga ayaa arintan ku sababeysay arrimo la xiriira amaanka xujaajta Malaayiinta ah ee caalamka ka imaneysa balse waxaaa cambaareeyay arintan guddiga arimaha xuquuda aadanaha ee Qadar oo ku sheegay in talaabadani ay tahay mid aad looga xumaado.
Qaar ka mid ah culimada islaamka ayaa arintan ku tilmaamay mid qalad ah waxayna sheegeen in dowlada sacuudiga aysan dad muslimiin ah ka celin Karin dhulalka barakeysan oo ay ku tilmaameen kuwo ka madax banaan siyaasadaha is diidan iyo xuduudaha.
Sacuudiga iyo dalal kale oo ku yaalla khaliijka ayaa dowlada Qadar xiriirka u jaray, iyagoo ku soo rogay xayiraad cir dhul iyo bad leh, waxayna ku eedeeyeen iney maalgeliso argagaxisada.