|

Muxuu Daarnaa Kaftankii Cali Khaliif Galaydh U Laqimay Cali Guray Iyo Maahmaahdii Reer Xamarka Ahayd Ee Uu Ugu Soo Halqabsaday Imaanshiyihiisa Hargeysa?

Hargaysa 11. June 2017 (SDN/QJ):-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo Cali Guray loo yaqaano ayaa waxa uu ka dareen celiyey imaanshiyaha uu safarka ku yimid Guddoomiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo xidhiidh dhinaca taleefanka ah oo labadan masuul dhex maray isaga oo Cali Guray sheegay in fursadda Imaanshiyaha Cali Khaliif Galaydh uu Hargeysa ku joogaa haddii ay ribato ay Somaliland ka qoomamayn doonto fursaddaasina aanay dib u soo mari doonin isaga oo sheegay in dhinaca Cali Khaliif dadaalkiisa ka sameeyey oo aanay isaga waxba ku hadhsanayn maadaama uu Hargeysa yimid balse dhinaca dawladda looga fadhiyo in ay guul ku soo af jarto wadaa hadalkaasi u bilaabmay hogaamiyaha Khaatimo.
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka sheekeeyey kaftan culus oo Hogaamiyaha Khaatumo Professor Cali Khaliif Galaydh uu taleefanka u mariyey mar ay ku wada sheekaysteen isaga oo Cali Khaliif Imaanshiyihiisa Hargeysa ugu soo gal qabsaday maahmaahda reer Xamar ee tidhaa “Cimrigaaga oo raagaa Geel Dhalayna Waa Ku Tusaa” waxaana arrintaasi innoo faahfaahinaya Mujaahid Cali Guray oo qoraal kooban oo uu arrinkan kaga warramayo Bulshada kula wadaagay degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxaanu yidhi:

“Himbiriirsi Arag Maaha Hunuhunuuna Hadal Maaha Maanta nasiib wanaag afurka hortii waxanu khadka telefanka isku helay Madaxwayne Cali Khaliif Galaydh oo ah Madaxwaynaha Khaatumo hadal waayeelna wuu i yidhi. Cali wuxu ii sheegay runtiina ah in wixii ugu dambeeyay uu samayn karayay uu sameeyay oo uu yimi Hargeysa oo aanu filaynin in beryaahaa uu yimaado. Wuxu iigu maahmaahay maahmaahdii reer koonfureedka ee ahayd ” cimrigaaga oo raagay geel dhalaysana wuu ku tusaa” yacnii Cali Khaliif oo Hargeysa joogana wuu ku tusaa ayaan u qaatay. Malaha Isaaqow bay ku fiicnayde wuxu yidhi ninkii jiray ” habarjecloy horta marka la idin deldelayo maxaa dabada la soo giijisaan” anigu mar hadii Cali Khaliif uu Hargeysaba inoogu yimi uu joogo hawl isaga u hadhay ma jirto ayaan is leeyahay. Hadaba wixii dambe ee ka xumaada wadahadalka uu xukuumadda kula jiro masuul isagu kama noqon doono hadii ay wax ka xumaadaan ee hadaba ha la ogaado. Joogitaanka uu Cali Khaliif Hargeysa joogaa Somaliland qofkii caqli lihiba wuu ogyahay dhabar-jebinta ay ku tahay Muqdisho iyo Garooweba. Lakiin isma qabanayso in beesha dhexe ay iyada uun wax kala ridato dadkii wax la lahaa ee aanay waxba ka lahayna ka dhigto dad marti u ah oy ka doonto inay raali ku ahaadaan ilayn waxa la yidhi ” martiyi wixii la siiyana way cuntaa halkii la seexiyana way jiibsataaye”. Waxan leeyahay hadii fursadani ay mar dambe lunto meel dambe oo laga soo qaban doonaa way adkaan talona waxa la yidhi waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo. Cali Khaliifna waa nin saraaxi ah oo waxa uu qabo aan cidna kala gabanin aniguba dadka sidaas ah isma af garanwayno kol hadii aanu afkana wax ka lahayn calooshana wax kale ku haysanin”. Ayuu Cali Guray qoraalkiisa ku soo gunaanaday. ‘’Maanta nasiib wanaad afurka hortii waxanu khadka telefanka isku helay Madaxwayne Cali Khaliif Galaydh oo ah Madaxwaynaha Khaatumo hadal waayeelna wuu i yidhi. Cali wuxu ii sheegay runtiina ah in wixii ugu dambeeyay uu samayn karayay uu sameeyay oo uu yimi Hargeysa oo aanu filaynin in beryaahaa uu yimaado.

Wuxu iigu maahmaahay maahmaahdii reer koonfureedka ee ahayd ” cimrigaaga oo raagay geel dhalaysana wuu ku tusaa” yacnii Cali Khaliif oo Hargeysa joogana wuu ku tusaa ayaan u qaatay. Malaha Isaaqow bay ku fiicnayde wuxu yidhi ninkii jiray ” habarjecloy horta marka la idin deldelayo maxaa dabada la soo giijisaan” anigu mar hadii Cali Khaliif uu hargeysaba joogo hawl isaga u hadhay ma jirto ayaan is leeyahay.

Hadaba wixii dambe ee ka xumaada wadahadalka uu xukuunadda kula jiro masuul usagu kama noqon doono hadii ay wax ka xumaadaan ee hadaba ha la ogaado.

Joogitaanka uu Cali Khaliif Hargeysa jooga Somaliland qofkii caqli lihiba wuu ogyahay dhabarjebinta ay ku tahay Muqdisho iyo Garooweba.

Laakiin isma qabanayso in beesha dhexe ay iyada uun wax kala ridato dadkii wax la lahaa ee aanay waxba ka lahayna ka dhigto dad marti u ah oy ka doonto inay raali ku ahaadaan ilayn waxa la yidhi ” martiyi wixii la siiyana way cuntaa halkii la seexiyana way jiibsataa”. Waxan leeyahay hadii fursadani ay mar dambe lunto meel dambe oo laga soo qaban doonaa way adkaan talona waxa la yidhi waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.

Cal Khaliifna waa nin saraaxi ah oo waxa uu qabo aan cidna kala gabanin aniguba dadka sidaas ah isma af garanwayno kol hadii aanu afkana wax ka lahayn calooshana wax kale ku haysanin” ayuu Yidhi Cali Guray.

Comments are closed