|

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo lagu eedeeyey Xadhigga Maayerka Cusub ee Saylac & 9 Xildhibaan oo Xabsiga la dhigay DAAWO

Saylac 11. June 2017 (SDN/QJ):-Maayerka cusub ee degmada Saylac iyo illaa Sagaal Xildhibaan oo kale oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka degmada Saylac, ayaa Xabsiga loo taxaabay, waxaanay Xildhibaannada qaar iyo Maayerka Cusubi Xadhiggooda ku eedeeyeen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici.

Maayerkan la xidhay, ayaa Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Saylac aqlabiyaddoodu xilka u doorteen, ka dib markii fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen 27-ka bishii May ee sannadkan 2017-ka ku shaaciyeen inay xilka kaga qaadeen Maayerkii hore, isla markaana Maayer u doorteen Sahal Daahir Cige oo ka tirsanaa Mudanayaasha golaha deegaanka ee degmadaas.

 

“Waannagii 27-ka bishii 5-aad 2017-ka aannu Fadhiga qabsannay Gole deegaan ahaan oo uu goob-joog ka ahaa Badhasaabka gobolka Selel oo Wakiil ka ahaa Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xoghayaha dawladda Hoose ee Saylac iyo Saraakiil kale oo Amniga ah ayaa fadhiday Fadhigaas. 11 Cisho ka dib ayey Xil-wareejintii aannu sugaynay dhici wayday oo Maayerkii aannu xilka kala wareegi lahayn waynay oo uu Xafiiska iska baxsaday.” Sidaa waxa yidhi Maayerka cusub ee Saylac Sahal Daahir Cige oo u warramay Somalinews TV.

 

Maayerka oo sida uu sheegay Saldhigga Booliska ee Saylac ay ku xidhan yihiin isaga iyo Xildhibaannada lala xidhay oo uu Saldhigga ka dhex hadlayo, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “, markaa sidii ayaannu ku tagnay Xarunta dawladda Hoose ee Saylac oo aannu laba Habeen u hoyannay, dabeedna Saaka (Khamiis) Ciidammo Boolis ah ayaa noo yimi oo nagu yidhi; ‘waad xidhan tihiin’. Sidii baannu annaguna ku raacnay Askarta, Saacaddaa aan kula hadlayana waxaannu Xidhannahay.”

 

Maayerka cusub ee Saylac oo la weydiiyey inay Boolisku u sheegeen Cidda xidhay iyo sababta loo xidhay, ayaa sheegay inay Boolisku u sheegeen in Taliyaha Boolisku bixiyey Amarka xadhiggooda oo ay waajibkooda shaqo gudanayaan Askar ahaan.

Hase-yeeshee, waxa uu Maayer Sahal sheegay in cidda diiddan in Maamulka cusub ee ay Mudanayaasha Golaha deegaanka degmada Saylac doorteen xilka lagu wareejiyo uu yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, ayaa hore loogu eedeeyey inaanu dhex-dhexaad ka ahayn qaddiyad Beelo la xidhiidha oo Lughaya iyo Saylac-ba ka jirta, isla markaana doorashadii Golayaasha deegaanka ee 2012-kii ka dhacday Somaliland oo uu deegaannadaa joogay Mudane Saylici, ayaa lagu eedeeyey inuu wax-is-daba-marin Codadka ah oo Cid gaar ah lagu soo saarayo ka fuliyey dhulkaas, isla markaana is-doorashadii dambe ee Golaha deegaanka Saylac ayuu faro-gelin wayn ku yeeshay.

 

Arrintaas, ayaa sababtay in xaaladdu meel adag gaadho, ka dibna Ergo ahaan uu halkaas u tegay Wasiirkii arrimaha gudaha ee Wakhtigaas Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaguna markii dambe dhinaca Madaxweyne Ku-xigeenku wax u waday la saftay, sida Warbaahintu soo bandhigtay horraantii 2013-kii oo ay Golayaasha cusub ee la doortay fadhiisanayeen Golayaashooda, isla markaana iska dhex-dooranayeen Guddoomiyeyaasha iyo Ku-xigeennada.

 

Haddaba, Waraysiga uu bixiyey Maayerka ay dhawaan doorteen Aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha deegaanka degmada Saylac Sahal Daahir Cige iyo Xildhibaan kale oo ka mid ah Mudanayaasha la xidhay oo faahfaahinaya sababta xadhiggan keentay, waxaannu Warbixintooda oo idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed