Amiirka Waddanka Kuwait oo Booqasho Ku Gaalaa Bixinaya Qadar Iyo Dalalka Khaliijka ee Is Maandhaafku Soo Kala Dhex galay
Doha 11. June 2017 (SDN/QJ):-Amiirka Dalka Kuwait Sheekh Sabaax Al Jaabir Ayaa Booqasho Deg Deg Ah Ku Tagay Caasimada Wadanka Qadar Ee Dooxa, Si Uu Kulan U la Yeesho Amiirka Dalkaasi,Isaga oo Horena U la Kulmay Boqor Sucuudiga Iyo Amiirka Imaaraadka Carabta.
Sheekh Jaabir Ayaa Dadaal Xoogan Ugu Jira Sidii Xiisada Dibloomaasiyadeed Ee Abuurtay In 6 Dawladood Oo Sucuudigu Hormood Ka Yahay Ay Xidhiidhka U Jaraan Qadar, Taasoo uu uKala Dabqaadayo Sidii Arintan Loogu Dhamayn Lahaa Wada Hadal niyadsani ku jirto.
Geesta Kale Baarlamaanta Turkiga Ayaa La Filayaa Inuu Meel Mariyo Sharci U Ogolaanaya In Xukuumada Dalkaasi U Dirto Qadar Ciidamo Xoogan, Iyadoo ay Hore Uga Dhexaysay Iskaashi Dhinaca Difaaca Ah labada.