Kooxda Al-shabaab Oo Sheegatay Inay 61 Askari Ka Dishay Puntland
Af-urur 10. June 2017 (SDN/QJ):-Ciidammo ka tirsan Dagaalyahannada Kooxda Al-shabaab ee sugan Buuralayda Galgala, ayaa Dagaal culus oo ay Saaka ku qaadeen Saldhig Ciidammada Puntland ku leeyihiin Deegaanka Af-urur oo ku dhow Boosaaso, waxay ku qabsadeen deegaankaasi.
Dagaalkan oo socday Muddo Saacado ah, ayaa Al-shabaab sheegtay inay ku dishay 61 Askari oo ka mid ah Ciidammada Puntland ee halkaa ku sugnaa, isla-markaana la wareegeen Deegaanka uu Saldhiggu ku yaalay iyo 16 Gaadhi oo kuwa Dagaalka ah.
Afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa idaacadda Al-shabaab ee Andalus u sheegay in dagaalka ay ku dileen 61 Askari isla-markaana ay ku qabsadeen 16 gaari oo 9 ka mid ah yihiin gaadiidka dagaalka ee Tikinikada loo yaqaan.
Dhanka kale, Warbaahinta Al-shabaab ayaa waxay tabisay in Dagaalkaa lagu dilay Taliyihii Ciidammada Puntland ee deegaanka Af-uruur iyo Saraakiil kale.
Wasiirka amniga ee Puntland Abdi Hirsi Cali Qarjab, oo isaguna Dagaalkan xaqiijiyey ayaa beeniyey sheegashada ururka Al-Shabaab ee tirada askarta ay dileen, wuxuuna intaas ku daray in saldhigga uu haatan gacanta ugu jiro ciidammadada Puntland, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu intaa wax ka badan sheego.