Afhayeenka Guurtida oo Xukuumadda ugu Baaqay in ay Taageerto Cunaqabataynta Dalalka Islaamku ku soo Rogeen Qatar
Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa Xukuumadda iyo Goleyaasha Qarankaba, ugu baaqay inay taageeraan mowqifka dalalka Carabtu ay ku cunoqabateeyeen dalka Qatar, waxaanu soo jeediyay in Somaliland ay la safato dalalka Islaamka ee go’aanka ku gaadhay inay cilaaqaadka diblomaasiyadeed u jaraan wadankaas.
Afhayeenka Guurtidu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Dawan, waxaannu sheegay in loo baahan yahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay istaagto mowqif adag.
“Waxaan Madaxweynaha Somaliland iyo Goleyaasha qarankaba u soo jeedinayaa inay go’aan siyaasiya oo cad ka qaataan fidmada ay dalalka Islaamku ku arkeen waddanka Qatar oo ay cilaaqaadkii ugu jareen waddankaas isla markaana ku go’doominayaan. Somaliland waa inay la safato oo ay barbar istaagto dalalka Carabta ee Sucuudigu hoggaaminayo,”ayuu yidhi Xildhibaanku waxaannu intaas ku ladhay; “Islaamku waa nabadgelyo, markaa waa inay Somaliland taageertaa nabadgelyada ay doonayaan dalalka Carabta ee ay kaga soo horjeesteen fidmada ay ku arkeen dalka Qatar.”
Afhayeenka Guurtidda Xildhibaan Cabdiqaadir Indho waxa uu madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ugu baaqay inay mowqifka Somaliland adduunka u caddeeyaan.