Nuxur Saddex Qodob oo Laga Soo Saaray Shir-weynahii Lagaga Hortagaayey Qishka Imtixaanada Somaliland DAAWO
Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Shir-weyne qaran oo muddooyinkii dambe laga ga arrinsanaayey siddii loogga hortagi lahaa isla mar ahaantaana ardeyda waxbarata loogga ilaalin lahaa qishka Imtixaanada, ayaa laga soo saaray saddex qodob oo muhiim, sida degalkiisa Facebook uu ku baahiyey agaasimaha tacliinta sare ee Somaliland Pro.Cabdi Cali Jaamac.
1- Mobilada lala yimaaddo goobaha imtixaanda. Ardaygii la yimaadda waxa shaqadooda ka qabsanaya ciidanka bilayska. Ka warran adigoo imtixaan u soo diyaar garoobay oo galay bad kale sida in lagu xidho.
2-Waxa la joojiyay wixii la odhan jiray Top Ten (tobanka arday ee u sarreeya).
3-In warbaahinta laga sheego arrimahaas oo dhan muddada ka hadhsan imtixaanka.