|

Xoghayaha D/Hoose Hargeysa oo Ugu Baaqay Shirkadaha Qashin Ururinta Inay ka soo Dhalaalaan Adeegyada ay u Hayaan Bulshada DAAWO

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa, Cali Xasan Cawaalle, ayaa ugu baaqay shirkadaha qashin ururinta magaaladu ay ka soo baxaan masuuliyadooda oo ay laba-laabaan ilaalinta fayo-dhawrka iyo xakamaynta qashinka muddada lagu jiro xili roobaadka, si looga hortago xannuunada ka dhasha nadaafad xumada.

Xoghayuhu waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay shir uu xafiiskiisa kula yeeshay shirkadaha qashin ururinta caasimada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen Xildhibaan Xasan Shahar oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka caasimada iyo Waaxda Arrimaha bulshada ee Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Xoghayuhu waxa uu ugu baaqay shirkadaha inay dedaal muujiyaan muddada lagu gudo jiro xili roobaadka; “Toddobaadkii hore waxaan kormeeray goobaha khashinka lagu qubo magaalada laga qaado ee godadka ah. Waxaanay noqotay oo shirkan aan idiinku yeedhay, waxaa lagama maarmaan noqotay inaanu shirkadaha ka wada tashanno waxyaabo badan,”ayuu yidhi Cali Xasan Cawaalle.

Xoghayaha D/Hoose waxa uu dadweynaha ku booriyay inay shirkadaha qashinka iskaashi la sameeyaan oo ay u fudaydiyaan adeegyada ay u hayaan bulshada. “Qashinku dadka ayuu la nool yahay oo meeshii lagu nool yahayba qashin wuu ka dhalanayaa.

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka hadlay shirkaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirkadaha gaarka ah, Dawladda Hoose iyo dadweynuhu ay iska kaashadaan xakamaynta qashinka iyo dabargoyntiisa. Waxaannu xildhibaanku ku dardaarmay in awooda la saaro meelaha biyo fadhiisiga ah oo ah waxyaabaha dhaliya xannuunada ka dhasha qashinka.

Khadar Yuusuf Cali ayaa sheegay in dedaal kasta oo lagu xakamaynayo qashinku aanu najaxaynin illaa dadweynuhu bislaadaan oo ay la shaqeeyaan maamulka dawladda hoose iyo sharaa’iga u xilsaaran adeegan.

Sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay Ismaaciil Caymis oo ku hadlayay magaca shirkadaha qashin ururinta caasimada oo balanqaaday inay juhdi weyn gelinayaan sidii ay u suulin lahaayeen qashinka magaalada iyo kor u qaadista fayo-dhawrka caasimada Hargeysa.

Comments are closed