Dublamaasiyada Cakiran Soomaaliya Iyo Khaliijka Warbixin
Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Soomaaliya iyo khilaafka khaliijka. Qadar iyo waddamada kale ee khaliijka ee khilaafku soo kala dhex galay labaduba waxay saaxiib la yihin dawladda federaalka Soomaaliya, waxayna u ballan qaadeen caawimaad dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Ma aha Soomaaliya dawlad siyaasad ahaan xoog leh, xulafo leh oo haddana ku tiirsan meel adag oo la isku hallayn karo, Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Ama buur ahow ama buur ku tiirsanoow” Siyaasad ahaan Soomaaliay buur ma aha buurna kuma tiirsana oo saaxiib dano dhaqaale oo badan ay wadaagaan ama iskaashi ciidan la leh ma jiro.
Labada dhinac ee is-haya iyo Soomaaliya.
Imaaraadku wuxuu saldhig ciidan ku leeyahay dalka waxaana ka jooga ciidamo saamayn fiicanna wuu ku leeyahay dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka oo waxa uu tartan adag kula jiraa dalka Turkiga oo dhaqaale badan galiyay dalka Soomaaliya.
Sucuudigu waxa uu u saameeya caqiido ahaan oo waxaa meelo badan xilal ka haya dadkana la hadla oo culimo ah arady dalkiisa wax kusoo baratay oo aaminsan siyaasadda Sucuudiga, waxaana ay saamayn ku leeyihin siyaadda Soomaaliya, waxaa kale oo dhaqaale siiyaa hadba dawladda timaadda iyo madaxdeeda isagoo haddana booqashadii ugu dambaysay ee madaxwaynaha u ballan qaaday inuu dhaqaale badan ku kabi doono miisaaniyadda dalka.
Qadar iyadu sanadihii ugu danbeeyay ayay u soo jeesatay danaha geeska waxaana saamaynadii ugu badnaa iyo fursadihii siyaasadeed ee ay doonaysay inay ciyaarto ka mid ahaa dhex-dhexaadin ay u samaysay dawladdii kumeel gaarka ahayd ee Cabdullaahi Yusuf madaxka ka ahaa iyo maxkamadihii islaamiga ahaa.
Qadar waxaa kale oo ay Soomaaliya u joogtaa caawimaad dhanka caafimaadka ah, waxaana ay dhowaanahaan saamayn ku yeelanaysay siyaasadda oo ay saaxiib dhow la noqnaysay hadba dawladda timaadda.
Saddexda dalba inkasta oo ay kala saamayn badan yihin haddana waa u muhiin Soomaaliya laakiin waxaan la illaawi karin in sucuudiga, imaaraadka iyo saaxiibadooda yaryar ay taageero ka helayaan dalka Maraykanka.
Maxaa la gudboon Soomaaliya.
Muranka siyaasadeed ee dalal aan saaxiibo tihiin soo kala dhex gala waxa ugu wanagasan ee lagaga bixi karaa waa inaad dhex-dhexaad ka ahaato haddii aad awood leedahay.
Waa door wanaagsan inaad tiraahdo waxaaan billaabayaa dhex-dhexaadin labada dhinac ah iyo inaan heshiisiiyo.
Waa suurto gal inaad buuq siyaasaded oo loo arki karo inuu kaaga muhiimsan yahay midka taagaan aad furto sida in dalka dhexdiisa uu dalku ku mashquulo ama uu waddan kale ku mashquulo taasoo fursad u noqonaysa inaanu cadaadis siysaasadeed la kulmin.
Dalkan aan wali siyaasaddiisa arrimaha dibaddu dhaafsiisnayn caawimaad iyo yabooh raadin, aan lahayn dhaqaale uu dad kaga maarmi karo, aan ka mid ahayn gaashaaan buur siyaasadeed waxaa ku aadkanaysa inuu ka aamuso oo uu yiraahdo ishaan ka daawanaynaa waxa dhacaya.
Waxaa la qumman inuu inta aanu cadaadis kala kulmin saaxiibadiis uu ku dhawaaqo inuu door dhex-dhexaadin ah qaadanayo oo uu ku biiro waddamada Kuwayt ay ka mid tahay ee yiri waan isku soo dhowaynaynaa, ama uu u bareero kharaha kaga imanaya amusnaan iyo dhex-dhexaadnimo ama garab siino dhinac.
Mahad Jama Koronto