Hay’adda Socdaalka Somalia Oo Joojisay Mid Ka Mid Ah Hababkii Loo Bixin Jiray Baasaboorka Soomaaliga
Muqdisho 09. June 2017 (SDN/QJ):- Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa joojisay baasaboorka Soomaaliga ee loo bixin jiray habka loo yaqaano Online-ka.
Habkan ayaa ahaa mid baasaboorka Soomaaliga loogu diri jiray dadka jooga meelaha fog fog ee aysan ka heli Karin baasaboorka ama kuwa xanuunsan ee aan gaari Karin xarumaha heyadda si ay u galaan safaro caafimaad oo dibeda ah.
War ka soo baxay taliyaha heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa lagu sheegay in sababo la xiriira ilaalinta tayada baasaboorka loo joojiyey habka online-ka ee lagu bixin jiray. si caalamka loo tuso in baasaboorku ku baxo si saxan, iyadoo qofka soo dalbada la marsiinayo tijaabooyin lagu xaqijinayo Soomaalinimadiisa.
Taliyaha ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliga haatan ay shacabka Soomaaliyeed ah ka heli karaan xarumaha maamul goboleedyada dalka iyo inta badan Safaaradaha Soomaalidu ku leedahay dalalka caalamka qaarkood, ayna yar tahay baahida loo qabo in Online lagu bixiyo baasaboorka Soomaaliga.