Baaxa-Dega Siyaasada Bariga Dhexe Iyo Dalka turkiga oo Ciidamadooda ku balaadhinaya Ciidda Dalka Qatar
Istanbul 09. June 2017 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga cadaalada iyo horumarinta ee Dalka turkiga xukuma ayaa sheegay in laga yaabo in Baarlamaanku meel mariyo go’aan ciidamo dheeraad ah oo Turkigu leeyahay lagu gaynayo saldhiga Turkigu ku leeyahay wadanka Qatar.
Waana talaabo loogu hiilinayo Wadanka Qatar oo xiligan culays diblumaasiyadeed ka haysto jaarkeeda iyadoo ay jirtay in ay Sucuudiga, baxreyn iyo Imaaraatku jareen xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ay la lahaayeen Dalkaasi yar ee Qatar, isla markaana xidheen xuduudaheeda badeed, kuwa dhulka iyo kuwa cirkaba, iyagoo ku eedeeyey inay taageerto kooxaha mayalka adag qaarkood.
Dalka qatar ayaa si adag u diiday eedaymaha loo jeedinayo, waana khilaafkii ugu adkaa ee soo kala dhexgala dalalka khaliijka carabta.