Browserka Qaybtiisa Autofill Oo Halis Fududaysa In Xogtaadda La Xaddo (Hacking)
Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Badanaa sida dhacda, waxaynu nahay qaar neceb buuxinta fomamka onlineka ah ee aan si maalinle ah u isticmaalno tusaale markaan facebook loginka galayno inteena badan waxaan tickta saarnaa (save password) oo ka dhigan ii xasuuso uma baahni inaan marwalba qoree, waxaana suurto gal ah in dadbadani sidaas ku ilaawaan furihii sirta u ahaa.
tani badanaa waxay ku dhacdaa dadka mobiladda ka isticmaala een jeclayn inay had iyo jeer buuxiyaan fomamkaas iyo sidoo kale dadka desktopka isticmaalaba.
Fomamka aan buuxinaa maaha oo kaliya kuwa facebook ama gmail ee waxaa jira in ay dhacdo inaan buuxino fomamka bangiyadeena oo inta badan inagoon ogeyn aan qaybtani inoo dooran tahay isla markaana kuu kaydiyo si aad hadhow u xasuusato hadii loo baahdo in markale la buuxiyo balse hakcersku ka faa’iidaystaan oo ay kusoo dhexmaraan siday doonaana ugu takri falaaan macluumaadkaaga ku kaydsan fomamkaasi.
Dhanka kale waxaanad ka war haynin halista ku gadaaman dhayalsigaa iyo dayacaada aad samaysay, inaad halis u tahay in budhcada internetku (Hackers-ku) ku ugaadhsadaan kana faa’iidaystaan dayacadda aad samaysay.
Waxaa jira in browserska aan internetka ka isticmaalno badidooddu leeyihiin qayb shaqadaa qabata oo kuu haynaysa wixii aad galisay oo la yidhaahdo (Autofill), qaybtan ayaa mararka qaarkood xogtii ay kuu hayeen ku buuxiya si automatically fomamkale kaasoo budhcada internetka u sahasha inay si dhib yar ku helaan xogtaada kuu gaarka ah halkaasna ka helaan warbixintaada oo dhan adoo ka war hayn.
Macluumaadkaagu Waxay Baxayaan Adoon ka war haynin
Si kastaba ha ahaatee waad iska xidhi kartaa qaybtan, si aad uuga badbaado in budhcadaas internetka ka dhex qadhaabsataa xogtaada kuu gaarka ah ay kaa xadaan kuna takri falaan.
Hada kadib iska xidh qaybtan Autofill si aad uuga badbaado Hackers-ka
Chrome: Go to Settings → Show Advanced Settings at the bottom, and under the Passwords and Forms section uncheck Enable Autofill box to fill out web forms with a single click.
Fiiro Gaara:
Dadka isticmaala Mozilla’s Firefox ha ka warwarina in dhibaatadani idinku dhacdo maxaayeelay isagu malaha multi-box autofill system dadka isticmaalana wuxuu badanaa ku qastaa inay si maaniwaal ah u buuxiyaan fomamkooda, hadaba maanta kadib hoosta ka xariiqo in Mozilla’s Firefox yahay Browser save ah oo aan laguusoo hoos gaban karin marka laga reebo khaladaad dhankaaga ka imid oo sababi kara in lagu soo hujuumo.
Diyaarintii Maxamed DEEQ