|

Daah-furka Kal-tirsiga Taariikhda Soomaaliga ee Dabshid Oo Hargeysa Ka Qabsoomay Iyo Akaademiga Oday-Ka-Sheekee DAAWO

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Waxa Habeenkii labaad galay Shirweynihii ballaadhnaa ee lagaga hadlayay Gorfaynta iyo Shaacinta Taariikh-Sannadeedka Kal-tirsiga Soomaaliga ee Dabshid-ka Loo Yaqaano ee Soomaalidu dhaqanka u lahayd oo dib loo soo noolaynayo kaasi oo ay soo qaban qaabisay Akaademiga Dhaqanka, Xiddigiska iyo Hidda Soomaalida ee Oday-Ka-sheekee oo ay ka soo qayb galeen, Dhaqan-yahan, Sugaanyahano, Qoraayo, iyo Ergooyin isaga kala yimid dhammaanba Geyiga Soomaalidu Degto ee Geeska Afrika Min Jabuuti Illaa Kenya.

Kulankaasi oo habeenkii labaad ka socda Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxa xalay si gaar ah diiradda loogu saaray falan qayn iyo faahfaahimo la xidhiidha halka uu salka ku hayo Kal-tirsiga Sannad-qorraxeedka Soomaalida oo ahaa mid qarniyo badan soomaalidu ku soo dhaqmaysay oo loo baahan yahay in boodhka laga jafo Akaademiga Dhaqanka iyo Xiddigiska Oday-la sheekeena ay isla xil saartay waxaana ugu horrayn xalay kulankaasi furay Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka iyo Xiddigiska ee ODAY-KA-SHEEKEE qoraaga Dhaqan yaqaanka ah Axmed Cali Garas oo loo yaqaano Maqaloocshe waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga Dhaqanka iyo Xiddigiska ee Oday-ka-sheekee Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf oo faahfaahin ka bixiyey sida akaademigooda hawshan usoo qaban qaabiyey mahadnaq gaar ahna u diray jihooyin kala duwan oo mid kastaa si weyn uga qayb qaatay hirgelinta mashruucan ballaadhan.

Intaa kadib waxa madasha khudbado ka soo jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Akaademigan hawsha soo qaban qaabiyey iyo xubnaha ergooyinka ah ee shirkan isaga kala yimid dalalka Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya iyo Kililka Shanaad.

Ugu dambayn waxa la isku raacay hirgelinta iyo dhaqan galka Kalandarka Soomaaliga ah ee DAB-SHID oo ah tirsiga Soomaaliga kaasi oo akaademigu soo daabacay dhawaana loo qaybin doono Bulshooyinka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan iyada oo madasha aad loogu mahad naqay doorka Xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda Maaliyaddu ka gaysatay hirgelinta hawshan muhiimka ah oo ah hanta-dhaqan oo la wada leeyahayna aadna loogu mahad naqay masuuliyiinta Akaademiga hawshan soo qaban qaabiyey ee oday-ka-sheeekee iyo Hargeysa oo noqotay goobta nasiibka u heshay in lagu daah furo. Waxaanay xubnihii isaga kala yimid Geyiga Soomaalidu ballan qaadeen in ay ka shaqayn doonaan sidii ay dadku u adeegsan lahaayeen kalandarkoodan Soomaaliga ah.

Comments are closed