|

Kumuu Ahaa Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto)? Wax ka Baro Taariikh-nololeedkiisii oo Kooban DAAWO

Hargaysa 07. June 2017 (SDN/QJ):- Allaah ha u naxariistee waxaa lagu aasay Xabaalaha Masallaha ee magaalada Hargeysa Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ku geeriyooday Cusbitaalka Edna Aadan ee Caasimadda Hargeysa, waxaanu Marxuumku u dhintay Xanuun Beerka ka asiibay oo dhawaan Qalliin Dalka Hindiya loogu soo sameeyey.

Waxaa Aaska Marxuumka ka qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Taliyeyaasha Ciidammada, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland, Maamulka Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, Maamulka Gobolka Maroodi-jeex, Ganacsato, Culimo, Madax-dhaqameed, Xubno ay Ururkii SNM ka wada tirsanaayeen Marxuumka iyo Dadweyne Farabadan, Dadkaas oo dhammaantood Xabaasha Dusheda uga duceeyey Marxuumka.

 

Allaah Naxariistiisa Janno haka waraabiyo ee Marxuum Ooto Biixi, 1962-kii ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, oo uu ku barbaaray, isla markaana ku qaatay Waxbarashadiisii illaa Dugsi hoose/dhexe, waxaanu ka mid ahaa Ardaydii iyaga oo Dugsiga sare dhigta Itoobiya u tallaabay ee ka midka noqday Ururkii SNM ee dagaalka kula jiray Dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya oo ay kula dagaallameeen gobolladii Waqooyiga Soomaaliya oo ah hadda Dhulka Somaliland.

 

Waxa uu SNM u tallaabay 1983-kii, waxaanu ka mid ahaa Dhalinyaradii ugu horreysay ee tababbarrada Ciidan lagu siiyey Dugsi SNM lagu tabobbari jiray oo ku yaallay magaalada Baabuli ee waddanka Itoobiya.

 

Allaah ha u naxariisto ee Maxamed Biixi Caalin (Ooto), wuxuu dhalay Siddeed Carruur ah oo kala ah; Shan Wiil iyo Saddex Gabdhood, kuwaas oo ay u kala dhaleen Saddex Xaas oo uu Guursaday Marxuumku.

 

Marxuum Ooto Biixi Allaah ha u naxariistee waxa uu ahaa Nin Furfuran oo Dabeecad wanaagsan oo Kaftan badan, oo Bulshada Yar iyo Waynba ay isku xidhnaayeen, waxa uu ahaa Qof ay Bulshadu aad u tixgeliso oo Bulshaawi ah. Xilligan waxa uu ka mid ahaa Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Waxaanu ahaa Qof hadalkiisu saamayn lahaa oo Shaqsiyad fiican, waxa uu ahaa Qof saamayntiisa Siyaasad ahaan iyo Shaqsi ahaanba aad looga dareemi doono Somaliland. Marxuumku waxa uu u geeriyooday Xanuun ka haleelay Beerka.

 

Muddooyinkii dambe waxa uu Marxuumku ahaa Qof Cibaadada Dadka ugu yeedha oo ugu baaqa inay Ehelu-Masjid noqdaan oo ay Salaadda Jamac iyo Jameeco ku xiftiyaan. Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Biixi Caalin, waxay Dadkii Dul-joogay markii uu geeriyoonayey ee ay Naftu ka baxaysay inuu aad ugu celcelinayey Ashahaaddda ama Tawxiidka iyo kelmado wanwanaagsan oo kale. Allaah Qabriga ha u nuuro Marxuumka.

 

Aaska Qaran ee Marxuum Ooto loogu sameeyey Xabaalaha Masallaha ee duleedka Hargeysa iyo Weedhihii laga yidhi Shaqsiyaddii iyo Taariikhdii Marxuumka, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

 

Waxaa Tacsi u diraya Asxaabta kala ah; Iid Jiciir Aw Axmed, Mustafe Sheekh Cumar Geeddi, Agaasimaha Idaacadaha Radio Hargeysa Xasan Maxamed Yuusuf, Maareeyaha TV-ga Qaranka Somaliland Khadar Maxamed Cakulle, Yuusuf Maxamed Ismaaciil,Mustafe Cabdi Maxamed Jannaale, Kayse Faarax Yuusuf, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Khadar Iid Kaariye, Muuse Faarax Jaambiir, Cabdi Cismaan Almis, Axmed Xuseen Warsame, Cali Axmed Cawaale (Caana-dhame), Mustafe Khaliil, Daa’uud Cabdi Yuusuf, Mukhtaar Axmed Cali, Maxamed-amiin Cabdi Cilmi, Axmed Maxamed Aadan (Daad). Asxaabtaas iyo Saaxiibbo kale oo fara badaniba waxay Tacsi u dirayaan Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto), waxaanan Allaah uga baryeynaa Marxuumka in uu Qabriga u waasiciyo oo ka waraabiyo Naxariistiisa Janno. Aammiin…. Aammiin……Aammiin Allaah ha aqbalo.

Comments are closed