Wasiir Ku Xigeenkii Caafimaadka oo Badka Soo Dhigay Sababahii Madaxweyne Siilaanyo uu Xilka uga Qaaday DAAWO
Hargaysa 07. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md.Xasan Daahir Dhimbiil, oo ka mid ahaa wasiiraddii uu Habeen Hore xilkoodii ka qaaday Madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu xil ka qaadistiisa uu la xidhiidhiyey tuhuno ay Xukuumaddu ka qabto in uu gacan ku leeyahay muranka ka taagan gudaha magaalada Saylac ee u dhaxeeya xilka Maayirnimo.