|

Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo Safarkiisii u Horeeyay Ku Tegay Magaaladda Kismaayo Iyo Qaabkii Loo Soo Dhaweeyay DAAWO

Kismaayo 07. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland Socdaalkiisii Kowaad Ku Tegay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo waxaa safarkiisa ku wehliya Xubno katirsan labada Golle ee dowlada Soomaaliya iyo Saraakiil, waxaana garoonka Diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland , Masuuliyiin iyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

 

 

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaaladaasi la dhoobay ciidamo badan oo isugu jira AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbalabd, kuwaa oo xaqiijinaya amaanka magaalada inta uu Madaxweynaha joogo.

Comments are closed