|

Madaxweyne Erdogan oo Niyada u dhisay Dowlada Qadar Oo Xaalada Ay Ku Xun Tahay!!

Istanbul 07. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadla xiisada ka dhax aloosan Wadanka Qadar iyo Qaar kamid ah Wadamada Carabta, kuwaa oo shaaca ka qaaday in a xariirka u jareen Dowlada Qadar kana xirteen xuduudahooda.

Erdogan ayaa ugu baaqa Wadamada Khaliijka Carabta in xiisada taagan la dajiyo laguna dhameeyo Wadahadal, waxa uuna balan qaaday in uu diyaar u yahay gacan ka geesashada dajinta xiisada siyaasadeed ee kataagan Khaliijka.

 

Dhinaca kale Madaxwenaha Turkiga ayaa Khadka Telfoonka kula hadlay Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani, waxa uuna u sheegay in Dowlada Turkiga ay la jirto Qadar ayna si buuxdo u garab taagan tahay.

 

Erdogan ayaa sidoo kale kala hadlay Amiirka dalka Qadar sida xiisadan taagan loo dajin lahaa, waxa uuna u balan qaaday Madaxweynaha Turkiga Amiirka dalka Qadar in uu sameyn doono dadaalo badan kana shaqeyn doono sidii xal loo gaari lahaa.

 

Dowlada Qadar ayaa xiligan wajaheysa xaalada adag oo dhinaca siyaasada ah kadib markii ay xariirka u jareen ku dhawaad 10-dowladood oo kamid ah kuwa Carabta ugu waa weyn, waxaana dowlada Qadar lagu soo rogay cunaqabteyn dhinacyo kala duwan leh.

 

Qadar ayaana iska diiday eedeeynta uga timid dowladaha xariirka u jaray ee ku aadan in ay taageerto Kooxaha Argagaxisada ah, waxa ayna ku tilmaantay mid siyaasad ay ka dambeyso eedeymaha loo soo jeediyay.

Comments are closed