Golaha Islaamka ee Dalka Ingiriiska oo Ka Hadlay Sida ay u Arkaan Weerarkii London
London 06. June 2017 (SDN/QJ):- Golaha Islaamka ee dalka Ingiriiska ayaa si xoog leh u Canbaareeyey weerarkii ka dhacay Magaalada London ee gaystey khasaaraha dhimashadda iyo dhaawacaba isugu jira.
Bayaan Goluhu uu soo saaray ayaa Waxa ay ku sheegeen in Gole ahaan ay aad uga cadhaysan yihiin falalkaa argagixisada ah ee ka dhacay Magaalada London iyo kuwii kale ee ka horeeyeyba.
Waxa kale oo Bayaankaasi Goluhu ku sheegay in weeraradani ay yihiin Kuwo lagula kacay Walaaladayada Ingiriiska ah ee aan waxba galabsan isla markaasina ay yihiin falal arxan darro ah oo ay gerysanayaan waxa ay ugu yeedheen arxan laawayaal aan nolosha dadka aan qiimaynaynin.