Ciidamo Taabacsan Dawlada Ciraaq Ayaa Dib Uga Qabsaday Deegaanka Al-Baaj Kooxda ISIS
Baqdaad 06. June 2017 (SDN/QJ):- Deegaanka Al-Baaj wuxuu bari ka xigaa magaalada Mosul , waxaan hore gacanta ugu hayey kooxda ISIS, waxa dib uga qabsaday xoogaga taageersan dawlada Ciraaq. Deegaanka ayaa dhow xudduuda ay Ciraaq la leedahay Suuriya, waana deegaan ay ku xooganaayeen kooxda DAACISH. Ciidankan oo taageero ka helaya dhinaca cirka ayaa beryahan ku sii siqayey deegaannada ay kooxda ISIS ku sugan tahay eek u yaala waqooyiga dalka Ciraaq
Ciidankan ayaa markii ay gacanta ku dhigeen deegaanka markiiba ka taagay calanka dalka Ciraaq, ciidankani waxa ay hore u soo qabsadeen deegaanka Qayrawan oo sidoo kale waqooyi kagga beegan Mosul. Qabsashadani waxa ay caawin doontaa ciidanka Ciraaq ee gulufka kaga jira qabsashada magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ee Mosul.
Ciidanka Ciraaq ayaa dhawr goobood dagaal kaga furan yahay, sidii ay dalka uga sifayn lahaayeen ururka ISIS tan iyo sannadkii 2014, iyaga oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya is-bahaysiga uu horboodayo Maraykanku.