|

Booliska Ingiriiska Ayaa Shaaciyey Magacyada Laba Nin Oo Ka Dambeeyey Weeraradii London

London 06. June 2017 (SDN/QJ):- Laba ka mid ah ragii fuliyey weeraradii ka dhacay London sabtidii ayey soo bandhigeen Boolisku, waxaanay ku kala sheegeen Khuram Shazad oo da’diisa lagu sheegay 27 jir iyo Rachid Redouane oo da’diisa lagu sheegay 30 jir.

Khuram ayaa ku dhashay Baagistaan, balse haystay dhalashada dalka Ingiriiska, halka Rachid ay sheegeen inuu reer Marooko ahaa ama Liibiya. Waxa ay Boolisku intaasi ku dareen inay xidheen daraasiin dad ah oo lala xidhiidhinaayo tuhuno.

Raysal-wasaaraha Ingiriiska Therese May ayaa hore u sheegtay inay Boolisku aqoonsadeen saddexdii nin ee ka dambeeyey weeraradii London, oo ay magacyadooda soo bandhigi doonaan markay baadhistu dhamaato. Raysal-wasaare May ayey xisbiyada Mucaaradku aad ugu cambaareeyeen inay tirada Booliska yaraysay markii ay ahayd xoghayaha arrimada gudaha dalka Ingiriiska, oo ay meesha ka saartay labaatan kun oo askari, sidaasi darteedna ay masuul ka tahay inuu hoos u dhaco amniga dalku.

 

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn ayaa ugu baaqay Raysal-wasaare May inay is-casisho maadaama oo ay ku guuldaraystay inay damaanad qaado amniga shacabka Ingiriiska, oo ay iyadu masuul ka ahayd inay booliska yarayso markii ay xoghayaha arrimaha gudaha ahayd. Doorashooyinkii guud ee Ingiriiska ayaa wiigan dhacaya, waxaana la rajaynayaa inay hadheeyeen weeraradan dhawaanta ka dhacay Ingiriiska.

Comments are closed