|

Dalalka ugu Tunka Weyn Jaamacada Carabta oo Xidhiidhkii u Jaray Dalka Qadar

Riyadh 06. June 2017 (SDN/QJ):- Sacuudi Arabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhkii dublamaasi u jaray dawladda Qadar iyaga oo ku eedeeyay inay daganaansho la’aan ka wado gobolka.

Wakaaladda wararka ee Sacuudi Arabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xidhatay xadkeeda ay la leedahay dawladda Qadar arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, Badda iyo hawadaba.

Wakaaladdu oo soo xigatay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga danleedahay tallaabadan  in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.

Wasaaradda arimaha Gudaha Dalka Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay ka xidheen dhammaaan gaadiidka alka qadar Dhinaca Hawada iyo Baddaba.

Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa isna dublamaasiyiinta dalka Qadar u qabtay inay dalkooda kaga baxaan 48 saacadood gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM.

Wakaaladda wararka ee Baxrayn ayaa sheegtay in dalkoodu uu cilaaqaadka u jarayo Dalka Qadar sababtuna ay tahay inay ilaashadaan ammaankooda iyo deganaanshiiyahooda,kuna eedeeyey Qadar inay khalkhal gelinayso  dalkooda

Dalalkaasi waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto ururada argagixisada oo uu ka mid yahay Ururka Akhwaanul Muslimiin ama Muslimiinta walaalowday.

Comments are closed