Oday Xasan Maxamud Muumin oo Mudo Lixdan Sanno ah Ka Shaqaynayay Xafiiska Naddaafada ee Magaaladda Gebilay
Hargaysa 06. June 2017 (SDN/QJ):- Xasan Maxamud Muumin Waxa uu ka mid yahay Shakhsiyaadka Magaaladda Gebilay ka sameeyay inay kor u qaadaan Heerkeeda Naddaafadeed si ay u Wanaagsanaato Faya dhawrka guud ee Magaaladaasi.
Xasan Maxamud Muumin Wuxuu Xogwaran dheer siiyay Barnaamijka Baro oo Ku dayo Muwaadinkaaga Danta Guud waxa weyn ka soo qabtay ee uu soo saaro Aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.
Waxaa Ugu Horayn Oday Xasan la Weydiiyey Goortii uu dhashay Halkii uu Ku dhashay iyo Meelihii uu ku soo barbaaray waxaanu Yidhi ‘’Waxaan Ku Dhashay Magaaladda Gebilay Sannadkii 1938-kii Waxaan ku barbaaray Magaaladda Gebilay iyo Deegaanada Miyiga ah’’
Xasan Maxamud Muumin Wuxuu Sheegay in la qoray Shaqada dawlada Hoose ee Gebilay Gaar ahaan Xafiiska Nadaafada 1957-kii oo ahayd sida uu Xusay Markii ay Dawlada hoose ka hirgashay Magaaladda Gebilay,Waxaanu xusay in Wakhtigaas uu shaqada bilaabayay uu Magaaladda Gebilay ku samayn Jiray Kabaha maaska ah ee loo Xidho aroosyada
Oday Xasan Maxamud Muumin Wuxuu ka hadlay Sidii uu ku Shaqo galay Waxaanu Yidhi ‘’Alle ha u naxariistee Sheekh Muxumed Warsame oo ahaa Xaakimkii Maxkamada Gebilay ayay u yimaadeen qolada dawlada hoose oo ku yidhaahdeen Waxaanu doonaynaa qof nadaafada ka shaqeeya oo Mushaharo aanu siino,Sidaad Og tahay dadkeena qabyaaladu kama dhamaato oo anigu waxaan ahay amase ka soo jeeda reerka Muuse dheriye la Yidhaa Marka aniga ayuu Sheekhu ii Yeedhay Wuxuu igu yidhi dawlad ayaa inala soo degtay waxaan kaa codsanayaa inaad ka shaqo gasho dawlada hoose ee gebilay siiba Xafiiska nadaafada Waxayna ku siinayaan Mushahar waana inaad shaqadaadii hore ee Kabo samaynta aad ku darsataa Kadib Waxaan u tegay Dawladii Hoose waxay ii sheegeen Shaqada la iga rabo intay xafiis I fadhiisiyeen Markii danbe waxaan ku noqday Sheekhii oo ku idhi Sheekh Ma haleelayo Hawshan oo Shaqada Kabo samaynta ayaa igu badan ee qof kale u dir, Sheekhu wuu ka yara Xumaaday arrintaas Waayo Nin Kale oo Deegaanka u dhashay oo uu Shaqadaas u diri karo ma Jirto oo Ceeb ayay u arkayeen in Qashinka iyo Wixii la Hal maala laga Shaqeeyo hasa yeeshee Markii danbe waan ku qancay Ilaa iyo Maantana waxaan ka shaqeeyaa Xafiiska Nadaafadda ee Gebilay’’ ayuu Yidhi Xasan Maxamud Muumin.
Xasan Maxamud Waxa uu intaas ku daray ‘’Magaaladda Gebilay Xiligaas waxay ahayd laba suuq oo Dergado ah Kadib Waxaan soo Uruurin Jiray Wixii Qashin ah oo hal teneg aan ka badnaan Jirin Kadib intaan soo gubo ayaan Shaqadaydii Kabo Tolista halkii ka sii ambo qaadaa’’
Xasan Waxa uu Sheegay inuu Mar Kale hawshii Naddaafada ee Gebilay uu Bilaabay markii waddanka la soo galay Waxaanu xusay in Nin Lagu naanayso Ceelaabe iyo Nin Kale oo la Yidhaa Mawliid ay Bilaabeen Olole Qashin Ururin ah Kaas oo ay Isaga Madax uga dhigeen Waxaanu Yidhi ‘’ Maalin ayaan qabtay Haweenay weyn oo Khashin ay siday ku daa’dinaysa Meel Suuq ah Kadib Markaan qabtay ayay Sidaa ii eegtay oo garatay inaan ahay ninkii dawladihii hore la soo Shaqeeyay Markaas ayay Tidhi Waar Xasan Canjeex ma Waxaad Mooday in dawladii Hore Jirto Markaas ayaan ku idhi oo Dawladan Somaliland miyaanay idinku odhan Khashinka iska hagaajiya Markaas ayay tidhi Maya Kadibna waxaan Ku idhi dawladan Somaliland ayaa I soo Dirtay Islaantii way Yaabtay’’.
Oday Xasan Maxamud Muumin Wuxuu Xogwarankiisa ku Sheegay in Mudadaas aadka u dheer ee uu Ku Soo Jiray Shaqadan Nadaafada ay u ahayd Mid Xiise Gelisay Isla Markaana uu ku Qanacsan yahay Hawlgalkan oo ah Mid uu danta Guud kaga qaybqaato.