Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wefti uu Hor Kacayo oo Booqasho Ku Tegay Magaaladda Burco oo La Ciirciiraysa Xannuunka Shuban Biyoodka
Burco 06. June 2017 (SDN/QJ):- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan wasiirro ka tirsan xukuumadda, ayaa socdaal qayb ka ah gurmadka xannuunka Shuban-biyood ku tagay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Weftiga ayaa ujeeddadiisu tahay sidii gurmad Qaran oo loo dhanyahay looga gaysan lahaa cudurka Shuban-biyoodka oo dhawaan ka dilaacay magaalada Burco.
Xubnaha Wasiirada ah qaybta ka ah weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane.
Sidoo kale, weftiga waxa ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasiga Axmed Muumin Seed.