Salaad Cali Jeelle Muxuu Ka Yidhi Howlgalka Hub Ka Dhigista Ah Ee Ka Socda Muqdisho?
Muqdisho 05. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiir ku-xigeenkii hore ee Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle, haatana ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyed ayaa ka hadlay hubka dhigista labadii todobaad ee la soo dhaafay ciidamada dowladu ka wadeen magaalada Muqdisho.
Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inuu taageersan yahay hubka dhisigta ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu yahay qorshe lagu sugayo amniga loogana hortagayo kuwa mararka qaar amni darada sameeyo oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo shaqsiyaad kale oo hubkooda ku dhibaateeya bulshada.
“Saddex arrimood oo Xukuumada cusub ay ku talaabsatay waan taageersanahay kuwaasoo kala ah hub ka dhigista lagu sameynayo kuwa amni darada wada, musuqmaasuqa oo wax badan laga qabtay iyo shaqaalaha dowlada oo bil walba mushaharkooda joogto looga dhigay” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.
Mar la weydiiyay su’aal aheyd sida uu arko masuuliyiinta qaarkood oo ku doodaya in amnigooda aysan jirin cid damaanad qaadeysa haddii hubka laga dhigo waxaa uu sheegay in dowladu ay sugeyso amaankooda.
“Wasaarada amniga ayaa arintaas u xil saaran iyada ayaana laga rabaa waxaadna dareemeysaa tan iyo markii Muqdisho laga bilaabay howlgalka hubka dhigista ah in amniga Muqdisho uu noqday mid soo hagaagay” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.
Waxaa uu lala yaabo ku tilmaamay siyaasiyiin diidan hubka dhigista oo ka hadlay warbaahinta Muqdisho qaarkood, wuxuuna ku tilmaamay siyaasiyiintaas “Shabaab u ekeyaal ka soo horjeeda nabada iyo maslaxada shacabka”.