|

Halisaha Sigaarka ee Dunnida Maanta,Dhaqaalaha Ku Baxa, & Xannuunadda uu Sababo AKHRI

Hargaysa 04. June 2017 (SDN/QJ):- Shantii qof ee dhimata dalka mareykanka mid wuxuu u dhintay cabista ( nuugis ) sigaar sanad kasta.sidoo kale maalin walba 4,000 oo dhalinyaro ah ayey u tahay maalintii koowaad ee barashada sigaarka. qiyaasaha laga sameeyay mareykanka ayaa sheegaya in qofka sigaar dhuuqaha ah ay sanadkii kaga baxdo lacag u dhaxeysa $1.500 illaa $3,300.

Halka guud ahaan dalka mareykanka dadka sigaarka isticmaalaa qarashka ku baxa wuxuu ka badan yahay qarashka kaga baxa caafimadka wuxuna gaaraa sanadkii 333 bilyan oo doolar. 8.6 milyan dadka mareykanka ayaa la ildaran xanuuno uu sababay sigaarka.

 

wax ka badan seddex meeelood dadka aduunka ku nool dhan ee caba sigaarka waa dadka dalweynaha shiinaha.waxaa kaloo la yaab leh in shirkadaha sameeya sigaarka shirkadda ugu weyn caalamka oo dhan in ay ku taala isla dalka shiinaha waxaana leh dowladda shiinaha.

 

Marka laga hadlayo adduunka oo dhan 15 bilyan oo sigaar ah ayaa laga qiiqiyaa maalin walba. dadka doonaya in ay iska joojiyaan waxaa lagu qiyaasaa %69. Halkii xabo ee sigaar ah walxaha uu ka sameysan yahay wuxuu ka kooban yahay 4,800 walxo kiimikal ah.

Dadka sigaarka caba waxey 200% illaa 400% kaga halis badan yihiin in uu ku dhaco wadno xanuun dadka aan sigaarka cabin. dhacdooyinka xanuunka leh ee laga qoro sigaarka waxaa ka mid ah 2010kii dhacdo jaraa’iddada dalka indoniisiya ku soo baxday oo aheyd wiil 2 sano jir ah oo lagu magacaabo Ardi Risal in uu maalin walba uu cabo 40 xabbo oo sigaar ah.

 

Erayga Nikotine ee ah maaddo ku jirta sigaarka wuxuu ahaa nin faransiis ah magaciisa oo la oran jiray Jean Nicot oo ahaa soo saarihii tubaakada sanadkii 1560.

 

Haddaba haddii aad tahay qof sigaarka cabba waxaad heysataa fursad aad isaga deyn karto waxaana ku siinayaa tallooyin ku saabsan habka sigaarka leysaga goyn karo..

Comments are closed