Nin Ku Shaqaysan Jiray Sixirka Oo Lagu Qabtay Sucuudiga & Ciqaabta uu Mutaysan Karo!
Riyadh 04. June 2017 (SDN/QJ):- Falka iyo sixirku waa arrimo aad u fool xun waana arrin diinteenu in badan inooga digtay mana habboona in lagu dhaqmo oo dadka lagu dhibaateeyo iyo in la aamino.
Dalka sucuudiga ayaa had iyo jeer arrimaha noocaasi ah la dagaalama qofkii lagu qabtana waxa lala tiigsadaa sharreecada Islaamka waxaana lagu xukumaa xukunka ay sharreecada Islaamku inoo jidaysay in lagu xukumo qofka faaliyaha.
Haddaba, hay’adda wanaag farista iyo xumaan reebista dalkaasi Sucuudiga ayaa waxay gacanta ku soo dhigtay nin faaliye ah oo ka soo jeeda Dalalka Asia oo loo yaqaanay Ruqiyi Al-nisaa oo sheegan jiray ama ku andacoon jiray inuu dumarka daweeyo, balse waxa uu kula kici jiray falal aad u fool xun marka ay u tagaan, Sheekh Naasir Bin Budi Al-khaalidii oo ah afhayeenka hay’adda wanaag farista iyo xumaan reebista Magaalada Jubayl ee Dalkaasi Sucuudiga ayaa waxa uu yidhi “Waxa habboon in aanay dadku ku daba lumin dadka sixiroolayaasha ah iyo sidoo kale faaliyayaasha, in diinta iyo qur’aanka la isku daaweeyo ayaa wanaagsan, laakiinse qaanuunka dalkani qof ajnabi ah xaq uma siinayo in uu arrimaha noocaasi oo kale ah ka shaqeeyo waayo ?. waxa la dhex galinayaa arrimo la xidhiidha falka sida tan aynu maanta arkayno oo kale sidaa awgeed ka feejignaada oo haddii aad arrimahan oo kale ka shakidaan la soo xidhiidha xarumaha Bilayska”.
Arrintan ayaa ah arrin aad looga hadal hayo Dalkaasi Suuudiga iyada oo dhaqanka Dalkaasi uu dhigayo in dumarka aad loo ilaaliyo ilaa iyo hadda waxa la is waydiinayaa ninkan xukunkii lagu xukumi lahaa kaasi oo aan wali soo bixin balse la filayo in uu noqon doono dil.