|

Kooxda Al-Shabaab oo Weerar Toos ah Ku Qaadey Ciidamada Kenya ee Ku Sugan Dalka Somaliya

Muqdisho 03. June 2017 (SDN/QJ):-Xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somaliya, ayaa dagaal xooggan ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Somaliya ay ku lee yihiin deegaanada Kulbiyoow ee gobalka Jubada Hoose ee dalka Somaliya.

Weerarkan oo aan illaa hada la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, ayaa la sheegay in kooxdaasi weerarka ku soo qaaday ciidamada Kenyo abaaro wakhti ku beegnaa xili Afureedkii shalay taasi oo uu halkaas dagaalku socday muddo dheer oo saacado ah iyada oo ay iska caabinaayeen ciidamada Kenya oo ay wehelinayaan ciidamada Jubbaland.
Xaaladda deegaanaddaasi, ayaan illaa hada laga haynin wax war ah, mana jirto illaa hada cid ka hadashay weerarkaasi.

Comments are closed