|

Booliska Boosaaso oo Gacanta ku dhigay Walxo Casri ah oo Qaraxyada loo adeegsado iyo Niman Watay DAAWO

Boosaaso 01. June 2017 (SDN/QJ):- Taliska Ciidammada Booliska Puntland ee gobolka Bari, ayaa magaalada Boosaaso ku soo bandhigay Qalab kala duwan oo noocyada Qaraxyada lagu fuliyo ah oo ay Ciidammada Ammaanku ku qabteen Gaadhi Qudaar geeyey Boosaaso oo lagu dhex-qariyey Walxahaas oo kala duwan oo kuwo casri ahi ku jiraan iyo laba Nin oo Agabkaas watay.

Gaadhiga Agabkan halista ah lagu dhex-qariyey, ayaa ahaa nooca loo yaqaanno Waaraadka ee Xamuulka qaada oo Qudaar sida, kaas oo ay Ciidammada Ammaanka ee Kaantarrool ka mid ah kuwa Boosaaso laga galo Gaadiidka ku baadhaa gacanta ku dhigeen Walxaha lagu dhex-qariyey Qudaarta oo isugu jiray Noocyo is-gaadhsiinta ka mid ah, Isgaadhsiinta ay Ciidammadu sida gaarka ah u isticmaalaan, Ateenooyin, Digsiyada Cuntada lagu kariyo nooc ka mid ah oo la sheegay in loo adeegsado cadaadiska naqaska oo qaraxyada lagu dhiso, Taarikooyinka Baabuurta ee laga isticmaalo Koonfurta dalka Soomaaliya iyo weliba Somaliland, waxaana lagu qabtay laba Nin oo Alaabtaas sitay; sida ay Ciidanku Boosaaso ku soo bandhigeen Arbacadii Maanta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Qaybta gobolka Bari ee Puntland Cabdixakiim Yuusuf Muuse, ayaa Saxaafadda u faahfaahiyey waxyaabaha ay qabteen Ciidanku iyo sida loo adeegsado iyo ujeeddada laga lahaa, waxaanannu Taliyaha oo sharraxaya iyo Guddoomiyaha degmada Boosaaso oo isaguna arrintaas ka hadlay-ba, Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed