|

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Cadaysay inay Ku Fashilantay Qorshihii ay Wax Kaga Qaban Lahayd Cudurka Shuban Biyoodka ee Burco Ka Dilaacay DAAWO

Hargaysa 02. June 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda caafimaadka Somaliland waxay sheegtay in ay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladda xanuunka shuban biyoodka oo ka dillaacay deegaano ka tirsan Somaliland gaar ahaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal) ayaana arrintaasi shacabka ka raalligaliyay; “Waa inaanu qaadanaa wixii dhaliil jira waa inaanu aqbalnaa haddaanu nahay hoggaanka wasaaradda caafimaadka dhaliishu waa hoggaanka wasaaradda oo aan kamid ahay dhaliishaa wax waan ka qabaa oo kamid baan ahay dadka la dhaliilayo markaa dhaliishaa waanu qaadanay waana raalligalinayaa shacbiga reer Somaliland..”

Comments are closed