|

Oday Magaaladda Gebilay Ka Hirgaliyey Xafiisyo Lagu Caawiyo Dadka Danyarta ah ee Noloshu Ku adkaato & Dariiqii uu u Maray ka dhabaynta fikirkaas

Gebilay 02. June 2017 (SDN/QJ):- Cali Ibraahin Xasan Waa Aqoon yahan soo bartay Cilmiga Beeraha hasa yeeshee Wakhti dheer oo noloshiisa ah waxa uu ka soo shaqeeyay Shirkada Diyaaradaha ee Air France Isagoo markii danbena u wareegay Shirkada Air Jabuuti & Madaarka Magaaladda Jabuuti oo uu Mudo ka soo shaqaynayay.

Cali Ibraahin Waxaa uu Magaaladda Gebilay ka hirgaliyey Mashruuc dadka danyarta ah loogu uruurinayo dhaqaale ay ku noolaadaan,Maadaama baahiyaha Bulshada Somaliland haystaa ay tiro badan yihiin,Cali Ibraahin Xasan waxa uu Xogwaran dhinacyo badan leh siiyay Barnaamijka baro oo ku dayo Muwaadinkaaga danta Guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo saaro hal door Rashiid Sulub Caalin.

Cali Ibraahin Xasan waxa uu xusay inuu ku barbaaray Jabuuti isagoo tegay Xili ay Da’diisu ahayd 10 Jir,Waxaanu Sheegay inuu Waxbarashadiisii hoose, Dhexe iyo Sareba ku soo qaatay dalka Jabuuti.

Cali waxa uu xusay inuu Markaas kadib u Kicitimay Waddanka Tuunis halkaas oo uu Mudo afar sano ah baranayay Culuunta beeraha Isla markaana uu ku soo qaatay Shahaadadda Diploma Waxaanu sheegay inuu Markaas Kadib ku soo laabtay Jabuuti Waxaanu xusay in Markii uu Shaqo galay aanu ka hawlgelin dhinaca beeraha hasa yeeshee uu Shaqaale ka noqday Diyaaradii Air France Xiligaas oo ku beegnayd Sannadkii 1974-kii Waxaanu intaas ku daray in Mudo 17 Sano iyo 17 Cisho uu ka Shaqaynayay Diyaaradda Air France .

Cali Ibraahin Xasan oo Ka Jawaabayay Sababta Keentay in Isagoo Cilmiga Beeraha soo bartay uu Ka Shaqeeyo Diyaaradda Air France iyo Meelihii kale ee uu ka soo hawl galay ayaa waxa uu Yidhi ‘’ Waxa ii leexiyey Shaqo ayaan jirin waayo Jabuuti maba laha beero markaas Shaqadan diyaarada ayaan imtixaan u galay xiligaas waxaa Jabuuti Xukumayay Faransiiska Hasa yeeshee Markii aanu Xoriyadii helnay ayaa waxaa bilaabantay diyaarada Air Jabuuti oo ay kala wareegeen faransiiska, hadana Diyaaradii Air Jabuuti ayaa Kacday Qoladii Madaarka ayaa yidhi ninkani naga tegi maayo ee wuu nala shaqaynayaa ilaa aan hawl gab ka gaadhayna waan la shaqaynayay’’

 

Cali Ibraahin oo degan haatan Degmadda Gebilay ayaa ka hadlay in Cilmigii uu soo bartay ee beeraha uu xirfad shaqo ka dhigtay waxaanu yidhi ‘’ Haa waxaan beer ka samaystay Meel Boholo ahayd oo u dhow Iskuulka Qalax Waxaan Geliyey Cagaf Cagaf Waxaa kale oo aan ka qoday Ceel biyo leh, Aqalo ayaan ka dhisay,Nin Beeraha soo bartay ayaan ahaaye Waxaan soo Iibsaday Gaadhi Iska rogo ah oo aan Digada ugu soo qaado beerta Sidoo Kale Geel yar ayaan Beerta Ku dhaqay Markaas Xiligan Meel wanaagsan ayay beertaasi ii maraysaa aniguna waxaan ahay qof wax soo saarka u heelan’’

Cali Ibraahin Xasan Wuxuu ka hadlay waxyaabaha uu ka qabtay arrimaha danta guud iyo Xafiis loogu gargaaro dadka danyarta ah oo uu Fikirkiisa lahaa isla markaana laga furay Magaaladda Gebilay Waxaanu si Xeel dheer uga sheekeeyey Sidii uu hindisaha abuuritaanka xafiiskani ku yimid isagoo yidhi ‘’Waxaan noqday Sannadkii 2002-dii Markaas maalmahaas ayay Gabadhi Guri agtayda ah ku dhimatay Xaaskayga oo Soo Xuuraantay Sababta dhimashadeeda ayaa ii sheegtay in Haweenaydaasi ay gaajo u dhimatay Waxaan markaas tegay Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska oo aan dano shakhsi ka soo qabsanayay anoo halkaas Jooga ayaa Waxaa Xusuustayda ku soo dhacday Gabadhii u Dhimatay Gaajada waxaan baryay ilaahay oo aan ka dalbaday inuu I baro wax ay dadkaasi gaajada kaga baxaan waxaa kale oo aan arkay dad badan oo Waalan oo Iska gaajoonaya Waxaan is weydiiyey Waar Koobka Shaaha ah waxaa lagu cabaa Kun shilling ee Miyay dadku iska ururin kari waayeen,Waxaa kale oo igu soo dhacday dadka ka yimaada Itoobiya ee dawarsanayaba waa kuwa Kun shilling iyo wax ka badanba sadaqo ahaan u siiyee markaas hadana waxaa maskaxdayda ku soo dhacday maad xafiis furtid Waxaan idhi Qofkii Xafiiskaas Kun shilling keena magac ayaan u bixiyey oo waxaan idhi (Kunka Shilling Keene) Waa Waddanigii Kowaad,Kii Tagsi wada ee soo haleeli waaya ee Yidhaa Meeshaa ka qaatana waxaan u bixiyey (Kunka Shilling Loo Doone) Waa Waddanigii Labaad, Midna waxaan u bixiyey ( Kunka Shilling Ma Hele) Ilaahay lama Xukumee Waxa uu kani ka mid yahay kuwa loo dadaalayo,Mid kalena Waxaan u bixiyey (Kunka Shilling Hele ma Ogolaade) Waxaan ka imid Faransiiska Waxaan tegay Gebilay rag odayaal ah ayaan u yeedhay Markaas nin aanu saaxiib ahayn oo oday ah oo la yidhaa Aadan C.laahi Wuxuu ii geeyay nin kale oo la yidhaa Xuseen Xasan Gaboobe waxaan ninkii u sheegay hindisahaygii isagoon I aqoon Wuxuu noo goglay guri waxaan soo uruuriyey dhallinyaraddii Waxaan ka dhaadhiciyey in dadkeenu ay dhibaatooyin badani haystaan isla markaana aanu u istaagno sidii aanu wax ugu qaban lahayn,way igu taageereen dhallinyaradii waxaa markaas la yidhi aqal ayaa la Kirayne yaa bixinaya Kirada Markaas ninkii Guriga lahaa ee Xuseen Xasan Gaboobe iyo Nin kale oo uu garanayay ayaa bilo dhan u soo jeeday sidii ay xeer noogu samayn lahaayeen kaas oo qeexaya sida aanu dadka Kunka Shilling uga soo Uruurin doono,Waxaan markaas Kireeyay Xafiis anigoo bixiyey 100 dollar oo xiligaas u dhigmayay Kirada Mudo sannad ah,Wiilashii ila shaqaynayay oo niman wanaagsan ahaa ayaa qofba wax keenay haday noqoto Kuraas,Miisas iyo Gogoshii Xafiiska’’

Cali Ibraahin Xasan waxa uu sheegay in si ay u Cadaato qofkasta oo Kun Shilling bixiya in loo Jaro Rasiidh waxaanu xusay inuu bixiyey 88 dollar isla markaana uu ku soo sameeyay Tigidho badan waxaa kale oo uu sheegay in Markii Xafiiskii si fiican u shaqeeyay ay dad xaasidiin ahi u tegeen dawladii hoose oo ku wargeliyeen in aanu dadka cashuur ka qaadno,Xiligaas oo Cali uu ku Faransiiska Waxaanu intaas ku daray in Maamulkii u Yeedheen Wiilashii dhallinyarada ahaa ee la shaqaynayay Kuwaas oo intooda badani ay Ganacsiyo ku Jireen Isla markaana Baahi u qabin Kunka Shiling ee ay uruurinayaan Waxaanu sheegay in dhallinyaradii ay u tageen Maamulkii Degmada una bandhigeen in hawsha ay wadaan ay tahay Mid Samafal hadii ay wax Tuhun ah ka qabaana ay Cid ku soo darsadaan,iyadoo Maayarkii Xiligaasi uu ku qancay aragtida dhallinyaradan’’.

Cali Ibraahin Xasan ayaa Sheegay in Mashruucani uu si wanaagsan u Shaqeeyay Isla Markaana ay dad badan oo danyar ahi ka heleen dhaqaale ay ku maareeyaan nolol maalmeedkooda.

Comments are closed