|

Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay oo Walaac ka Muujiyey Cudurka Daacuunka Iyo Colaadaha ka aloosan Dalka Yemen

New York 02. June 2017 (SDN/QJ):- Golaha amaanka Qaramada midoobay ayaa Werwer weyn ka muujiyey xaaladda  Colaadda iyo Cudurka koleeraha oo fara baas ku haya dalkaasi Yeman.

Golaha amaanku Waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yeman iney xabadda joojiyaan si ay suura gal u noqon karto in gargaarka iyo kaalmooyinka la gadhsiiyo dadka tabaalaysay ee colaada, Cudurka iyo Baahidu isu barkiyeen.

Baaqan Waxa  Gudoomiyaha Golaha Amaanku kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib markii Goluhu soo gebegebeeyey kulan ay kaga wada hadleen xaaladda ka sii dareysa ee ka taagan dalka Yeman.

Guddoomiyaha Golaha amaanku Waxa uu tilmaamay in Gole ahan ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda Bani aadanimo ee sii xumaanaysa ee ka jirta dalkaasi, waxaanuu xusay in xaaladaasi aan waxba laga qaban Karin ilaa xabadda ay joojiyaan dhinacyada ku dagaalamaya dalka.

Comments are closed