Burco:Shuban-Biyood Faro-baas Ku Haya Shacabka Togdheer, 24 Qof Oo 48-kii Saacadood Ee U Dambeeyay U Geeriyooday & Dadka U Jiifa Goob Laga Sameeyay Burco
Burco 01. June 2017 (SDN/QJ):- Cudur-ka Shuban-biyoodka ayaa faro-baas ku haya Shacabka ku dhaqan Gobolka Togdheer, gaar ahaan Magaalada Burco iyo deegaannada ku xeeran.
Cudurkan, ayaa 48-kii Saacadood ee u dambeeyay Magaalada Burco ku dilay 24 Qof oo Shan ka mid ahi yihiin Maxaabiis ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaaladaasi, sidaana waxa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer wuxuu sheegay in Xanuunka Shuban-biyoodka ay sababeen Roobabkii muddooyinkii u dambeeyay ka da’ayay deegaannada Gobolka Togdheer, gaar ahaan Burco iyo deegaannada ku xeeran, maaddaama oo Roobabku ku soo beegmeen Xilli meel walba uu yaallo bakhtiga Xoolihii ku dhammaaday Abaarta, sidaas darteed aanay Nadaafadda deegaanku wanaagsanayn. Guddoomiyaha Togdheer wuxuu dadweynaha ugu baaqay inay fayo-dhowrka ilaaliyaan isla-markaana biyaha ay cabbayaan iska kar-kariyaan, si ay uga digtoonaadaan Cudurka Shuban-biyoodka.
Dhanka kale, Cudurkan Shuban-biyoodka, ayaa soo ritay Dad boqol ka badan, sida ay sheegeen Dhakhaatiir ku sugan Goob lagula tacaalayo Xaaladda Dadka Cudurkani soo ritay, “Goobtani waa Goobta lagu daweynayo Dadka Cudurka Shuban-biyoodku soo ritay, waxaana ku sugan Dhakhaatiir, Kalkaaliyeyaal iyo Shaqaale kale oo faro badan. Markay Dadku halkan yimaaddaan laba ayaa loo kala qaybiyaa, wixii Shuban leh halkan baa la dhigaa, wixii kale ee ay hayaan sida Xundhurta oo kale Dhakhtarka ayaanu u gudbinaa.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Hawl-wadeennada Goobtaa oo War-bixin siinayey Wefti ka socday Hay;adaha ICRC oo halkaa soo kormeerayay, waxaanu intaa ku daray “Intii Goobtan shaqada laga bilaabay waxa la qaabilay illaa 2,736 Qof, Afar iyo labaatankii Saacadood ee u dambeeyayna waxa la qaabilay 140 Qof, markaa waxa la arkayaa baaxadda uu leeyahay Shubanku, laakiin dhimashadu ma badna oo aad baa loola tacaalayaa.”
Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas Axmed Cabdi Bakaal oo ka mid ahaa Weftiga kormeerka halkaa ku tagay isla-markaana Hay’addiisu hirgelisay Goobtan iyadoo Gacan ka helaysa Hay’adaha Laanqeyraha Cad, ayaa sheegay in Xaaladda ka culus tahay sidii hore, “Urur ahaan waxay ku talo-galeen (Dhakhaatiirtu) illaa Lixdan Qof inay Maalintii Arki karaan, sidaana ay Muddo Saddex Bilood ah ku wadaan, laakiin hadda waa Laban-laab iyo in ka badan, taasina waxay keenaysaa in wixii Dawooyin ku soo talo-galeen iyo wax kasta oo ay ku soo talo-galeen uu Laban-laabmo.”
Dhanka kale, Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr. Yuusuf Dirir oo isaguna la hadlay Telefiishanka Star ayaa sheegay in Maxaabiistii Jeelka Burco ee Xanuunka Shuban-biyoodku ku dhacay lala tacaalayo Caafimaadka, wixii Arbacada Maanta ka dambeeyana meel jeelka ka baxsan Xaaladdooda lagula tacaali doono, “Maxaabiista Xanuunku soo ritay saddex ka mid ahi waxay dhinteen Saddexdii habeen ee u dambeeyay, intii kalena waanu u gurmanay, kuwii aadka u darnaa oo Afar illaa Shan ahna waanu ka soo qaadnay Jeelka oo Cisbitaalka ayaanu keenay, intii kalena halkooda ayaanu ku daweynay, laakiin Berri laga bilaabo (Maanta) wixii Xanuunsanaya meel kale oo aan jeelka ahayn ayaanu u wareejinaynaa.”