Muxuu Daaranaa Kormeerka uu Raysal Wasaaraha Somalia Ku Tegay Xarunta Booliska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho? DAAWO
Muqdisho 01. June 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday Akademyiada Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye oo uu halkaas kula hadlay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuna dhiirigeliyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u hayaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booliiska ku ammaanay doorkii saliimka ahaa oo ay amniga u sugeen xilligii Imtixaanada Dugsiyada Sare ay socdaan.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu danbeyntii Boolliska kula dardaarmay inay shacabka u adeegaan oo lagu qiimeyn doono sida ay hadba bulshada ula dhaqmaan.
Ra’iiusul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka ay u soo cararaan booliiska oo ay kalsooni ku qabaan. Waxuuna ka codsaday booliiska inay qiimeeyaan heerka kalsoonida shacabka ka dibna ay la yimaadaan tallaabo kasta oo ay ku kasban karaan kalsoonida shacabka.