Dal Carbeed Oo Mamnuucay Inay Qoysasku Is-Furaan Bisha Ramadaan !
Gaza 01. June 2017 (SDN/QJ):- Waxa jira Dal ka mid ah Dalalka Carabta oo aan laga ogolayn in guud ahaan bisha Ramadaan ay is qabtaan lammaane is qaba kuwaasi oo xattaa haddii ay garsoorka isla hortagaan aan laga yeelayn inay is furaan inta lagu gudo jiro bishan barakaysan.
Haddaba, Dalka Carbeed ee tallaabadaasi qaaday waa Dawladda Falastiin go’aanka noocan ahna waxa soo saaray Xeer ilaaliyaha Guud ee Dalkaasi Falastiin ahna la-taliyaha Arrimaha diinta ee Madaxweynaha, kaasoo magaciisa la yidhaa Mahmoud AL-habaash, waxaanu dhammaan laamaha garsoorka ee Dalkaasi uu siiyay digniin ah in aanay qaban Karin dacwado ku saabsan furniin ay ku kala tagayaan qoysas, waxa kale oo xeer ilaaliyuhu sheegay in sababta ku kaliftay arrintani ay tahay in dad badan ay cadhada ay qoysaskooda kula kacayaan ay ku soo qariyaan soonka oo aanay adkaysi u lahayn ka maqnaashaha ay ka maqan yihiin balwadaha kala duwan sida sigaarka oo kale, waxaana dacawadaha noocaasi ah la eegi doonaa Bisha barakaysan ee Ramadaan kadib.