|

‘’ Yurub Kuma Tiirsanaan Doonto Maraykanka Iyo Ingiriiska’’ Raysal wasaaraha Waddanka Jarmalka

Paris 29. May 2017 (SDN/QJ):- Markel ayaa sheegtay inay doonayso inay xidhiidh saaxiibtinimo la yeeshaan labadaa dal iyo weliba Ruushka, balse waa inay Yurub ku dagaalanto midnimada mustaqbalkooda.

Hadalkan Raysal wasaaraha Jarmalka ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay wadamada G7 ku guuldaraysteen inay isku raacaan xakamaynta qiiqa cimilada oo ka dhacay dalka Faransiiska.

Markel waxa ay carrabka ku adkaysay inay reer Yurub iska iloobaan isku hallaynta Maraykanka iyo Ingiriiska, oo ay iyagu isku tashadaan. Hore waxa ay Markel u sheegtay in aanay ku niyad samayn shirkii G7 ee Talyaaniga ka dhacay, oo aanay ka soo bixin wax weyn oo la taaban karo.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa sheegay in aanu weli go’aan ka gaadhin saxeexida xakameynta qiiqa cimilada, balse uu go’aan kama dambays ah qaadan doono. Trump muu sheegin wakhtiga uu go’aankaasi qaadan doono.

Comments are closed