Sidee Ayey Muslimiintu Ugu Soomayaan Dalalka Aanay Cadceedu Dhicin ?
Oslo 29. May 2017 (SDN/QJ):- Guud ahaan Dadka Muslimiinta ah ee Dunida guudkeeda ku nooli waxay shalay sabtidii oo ku beegnayd 25 bisha May ee sanadka 2017ka Soonka bisha barakaysan ee Ramadaan, siday diinteena suubani inoo jiidaysay Ilaahayna SWT Qur’aanka inoogu sheegay waxay Muslimiintu Soomaan laga bilaabo Subaxa “Al-fajar” ilaa iyo inta uu habeenku soo galayo oo ku beegan Maqribka.
Haddaba, sidee ayay u soomayaan Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalalka aanay cadceedu dhicin?
Waxa Su’aashaasi ka jawaabay nin ka mid ah Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalka Finland oo u warramay Khidmada Jasiira Plus waxaanu yidhi waxay cadceedu dhacdaa muddo 55 daqiiqo oo kaliya, intaasi ayaanu wax cunaa, waxaanu soomaynaa Muddo dhan 23 saacadood, arrintaasi markii ay maqleen Dadka ila dhashay ee walaaladay ah oo ku nool Dalka Bangladesh way rumaysan waayeen maadaama oo diinteenu arrintaasi na farrayso waan u hoggaansamaynaa.
Mr Maxamed oo muujinaya dareenkiisa ayaa waxa uu yidhi “Soonka intaa leegi anagu haddii aanu nahay Dadka ku nool Dalkaasi ee soomaya in ka badan 22 saacadood wax dhibaato ah naguma hayo oo waanu ku qanacsanahay waana Ilaahay mahadii”.
Run ahaantii arrinta la xidhiidha soonka saacadihiisu aadka dheer yihiin ayaa ah arrin aan wax dhibaato ah ku yeelan nolosha Dadka islaamka ah ee Dalalkaasi ku sooma, taasoo muujinaysa Iimaanka Dadka Muslimiinta ah oo Ilaahay SWT ka rajaynaya inuu ka aqbalo oo miisaanka Xasanaadkooda ugu daro.