Madaxweynaha Turkiga oo Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Dhigiisa Dalka Iran iyo Waxyaabaha ay Ka Wada Hadleen
Istanbul 29. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Ordugaan ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in la wanaajiyo Cilaaqaadka dalkiisu la wadaago dalka Iiraan, ka dib markii wada hadal dhinaca telefoonka ah uu la yeeshay dhigiisa dalka Iiraan Xasan Rooxaani.
Madaxweyne Ordugaan waxa uu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay xidhiidh dhex mara labada dal, isaga oo intaa raaciyey inay taasi gaar ahaan kaalin wanaagsan ka qaadan karto nabad ka aslaaxda dalka Suuriya iyo Guud ahaanba nabadgelyadda Gobolka.
Madaxweynaha dalka Iiraan Xassan Rooxaani ayaa dhinaciisa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyey xidhiidhka dhinaca telefoonka ah ee uu la soo sameeyeen, waxaanuu Madaxweyne Rooxaani xusay in afartii sanadood ee ugu danbeeyey uu soo wanaag-sanaanayey xidhiidhka labada dal loona baahan yahay in la sii ballaadhiyo.
Xassan Rooxaani Madaxweynaha dalka Iiraan waxa kale oo uu farta ku fiiqay in ay haboon tahay in la sii ballaadhiyo Cilaaqaadka xagga Ganacsiga ee labada dal u dhexeeya lana gaadhsiiyo ilaa sodon Bilyan oo Dollar, Dalkiisuna uu diyaar u yahay in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal.