|

Iska Hor imaad Dhex Maray Booliska Marooko iyo Dibad Baxayaal ka Gadooday Waaran Qabasho ah oo loo Soo Jaray Hogaamiye Mucaarid

Maroko 29. May 2017 (SDN/QJ):- Isku dhacyo Cusub ayaa dhexmaray Ciidanka Bileyska iyo Mudaharadayaal isugu soo baxay Magaalada Xasiima  ee dalka Maroko, magaaladaas oo xarun u ah dhaqdhaqaaqa Mucaaridka ah ee uu hogaamiyo Naasir safsaafi ka dib markii Jimcihii xukuumadu soo saartey waaran lagu soo qabanayo mr: Naasir safsaafi.

Wakaalada Wararka ee France press ayaa sheegtay in Tobanaan dhalin yaro ah oo kooxo kooxo u socdaa ay isugu soo baxeen badhtamaha Magaalada halkaasi oo ay isku dhaceen gacan ka hadalna uu dhex maray dhalinyaradaa iyo Ciidamada bilayska oo  badhtamaha iyo xaafadaha Magaalada la soo dhoobay.

 

Mudaharaadkan ayaa waxa uu noqonayaa  Mudaharaadkii labaad ee Magaalada ka dhaca tan iyo  Sabtididii.

Comments are closed