Nin miino ku Xidhayey Xarunta Jaamacadda Multi-media oo Gacanta Lagu Dhigay
Nairobi 25. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Joseph Kamau Ngugi oo 26 jir ah kana soo jeeda Gobolka Embu.
Ninkan ayaa waxay ku eedeeyeen Boolisku markii ay qabanayeen inuu gacmaha kula jiray miino uu ku xirayay Jaamacadda Multi-media ee Magaalada Nairobi.
Ciidamadii miino baarka ayaa dibeda u soo saaray miinadii uu ninkaas aasayay, waxayna isagii u taxaabeen xabsiga Booliska ee Magaalada Nairobi.
Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in ninkan uu ka mid ahaa ardayda wax ka barata Jaamacadda u doonayey inuu qarxiyo ayna ku tuhunsan yihiin iney ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ku dhowaad 150 Ardey ayaa labo sano ka hor lagu laayey weerar rag ka tirsanaa Al-shabaab ku qaadeen Jaamacada Gaarisa kaasoo noqday weerarkii ugu dhiig daadashada badnaa ee ka dhaca dalkaas muddo badan.