Weerar Saddexaad oo 24 saac gudahood ka dhacay Gaarisa & Askar Kenyan ah oo lagu Laayey
Gaarisa 25. May 2017 (SDN/QJ):- Laba askari oo ka mid ah ciidamada booliska Kenya ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino loo dhigay nawaaxiga magaalada Gaarisa ee gobolka W/Bari dalkaas.
Gaariga la weeraray ayaa ku jiray howlgal ay waddooyin ku furayeen, waxaana soo gaaray burbur aad u xoogan oo ka soo gaaray qaraxaasi oo ka dhashay miino wadada lagu aasay.
Qaraxan ayaa noqonaya kii 3aad ee muddo 24 saac gudaheed ah lagu weeraro askarta dalka Kenya ee ku sugan degaanka Malele oo ka tirsan gobolka woqooyi bari Kenya.
Laba qarax oo kala duwan oo shalay dhacay ayaa lagu dilay sideed askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya, iyadoo ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkan.