Wararkii u dambeeyey ee Baadhista Qaraxii Manchester, Booliska UK oo Diiday Dalab uga yimi Dhiggooda USA
Manchester 25. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Booliska ee wada baadhitaanka weerar Qarax ahaa oo Isniintii toddobaadkan ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain, ayaa joojiyay inay xogta baadhitaanka la waaagaan dhiggooda Mareykanka, ka dib markii Warbaahinta loo dusiyay Macluumaad ku saabsan baadhista weli socota.
Mas’uuliyiinta UK ayaa caro ka muujiyay sawirrada muujinaya haraaga waxyaabihii loo adeegsaday qaraxa oo mas’uuliyiinta Mareykanka ay la wadaageen wargeyska New York Times.
Waxay sidoo kale dowladda Britain ka carootay in magaca ninka weerarka geystay loo dusiyay warbaahinta Mareykanka saacado uun ka dib weerarka oo ay ku dhinteen 22 qof, 64 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay in ay si cad ugu sheegi doonto madaxweyne Trump in macluumaadka la wadaagayo ee sirdoonku ay noqdaan kuwa xafidan. Waxayna Trump kula kulmi dontaa shirka madaxda NATO ee ka dhacaya Brussels.
Wasiirka arrimaha gudaha Britain Amber Rudd ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay in ay iminka joogsanayaan wararka sida hoose loo bixiyo, kuwaasi oo ay ku sheegtay kuwa laga walaaco.
Dhanka kale, boqorada Britain Elizebath ayaa isbitaalka carruurta ee Manchester ku booqatay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii isniintii la soo dhaafay ka dhacay Manchester.
BBC-du waxay fahansan tahay in booliska Manchester uu dhawaan dib u soo celin doono hanaaka uu xogta sirdoonka kula wadaaga Mareykanka. Mareykanka, UK, Australia, Canada iyo New Zealand ayaa ku midoobay isbaheysiga loo yaqaanno ”Shanta indhood” ee wadaaga xogta sirdoonka la xiriira argagixisada.
Ilaa iyo sideed qof oo lala xiriirinaya weerarka Manchester ayaa ilaa iyo hadda la soo qabtay. Weerarkaasi waxaa geystay Salmaan Cabedi oo ahaa 22 jir ay qoyskiisa ka soo jeedaan dalka Liibiya. Waxaa sidoo kale soo baxday in labo qof oo horay u taqaanay Cabedi ay booliska sanado ka hor uga digeen fikradihiisa xagjirnimada.
Haweeney ayaa ka mid ah dadka loo qabtay weerarkii ka dhacay Manchester, xilli ay booliska sheegeen in ay baarayaan “shabakad” la rumaysan yahay in ay ka dambeysay qaraxaasi. Boolisk ayaa sheegay in ay xireen haweeneydaasi, ka dib markii ay xoog ku galeen guri ay ka deganeyd Blackley, waqooyiga Manchester.
Ramadan oo ah aabaha dhalay ninka qaraxa fuliyay, iyo Haashim oo ay ninkaasi walaalo yihiin ayaa lagu qabtay caasimadda Tripoli ee dalka Liibiya. Sidoo kale Ismaaciil oo la dhashay ninka weerarka geystay ayaa Taaladadii lagu qabtay Chorlton, oo ku taalla koonfurta Manchester.
Heerka khatarta argagixisada ee UK ayaa la gaarsiiyay halka ugu saraysa, taasoo ka dhigan in weerarro dheeraad ah ay dhici karaan. Askar milateri ah ayaa la dhigay goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda London.