|

Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Ku-xigeenkiisa oo ka qayb-qaatay Ololaha Nadaafadda Muqdisho + Sawirro

Muqdisho 25. May 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ku-xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay weheliyeen Golaha Wasiirrada Xubno ka tirsan iyo Masuuliyiinta dawladda qaarkood, ayaa maanta ka qaybgalay Olalaha Nadaafadda Caasimadda Muqdisho, si ay Bulshada ugu dhiirrigeliyaan kor u qaadista Nadaafadda magaalada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed, wasiiro iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaatay ololaha nadaafada oo sidoo kale ay ka qyebgalleen dad shacab ah.

Ololaha nadaafada ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana ra’iisul wasaaaraha iyo wasiiradiisa ay ololaha nadaafada ka sameeyeen agagaarka madaxtooyada.

Ra’iisul wasaaraha oo xirnaa dareyska ciidamada militariga ayaa la arkayay, isagoo wata qalabkii nadaafada loogu tala galay. Hasse ahaatee dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay mid aanay habooneyn in ra’iisul wasaaraha olole nadaafadeed ku galo dareyska milateriga, maadaama marka nadaafad la sameynayo ay leedahay dhar gooni ah.

Munaasabadda maalinta nadaafadda adduunka oo ku beegan 25-ka May ayaa laga xusaa caalamka, iyadoo maalintaas la soo saaro halku dhigyo wacyi-gelin oo ku saabsan nadaafada.

Comments are closed