Guddiga Doorashooyinka Somaliland Iyo Qaadhaan-Bixiyeyaasha Oo Iska Wareystay Hawshii Bixinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha
Hargaysa 26. May 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shalay xaruntooda kula kulmay xubno ka socday qaadhaan bixiyeyaasha.
Kulankaas oo ku saabsanaa xog waran la xidhiidha qaabkii ay kaadh qaybinta codbixiyuhu uga dhacday Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo Xeebaha Gobolka Sanaag.
Kulankan oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku xigeenka KDQ mudane Maxamuud Wacays ayaa warbixin hawshaas kaadh qaybinta iyo siday u qabsoontay ka siiyay kooxaha ka taageera KDQ dhanka dhaqaalaha ee loo yaqaan “Donor Working Group” oo ka kala socday (EU, FCO UK, Denmark, DANIDA, Interpeace, iyo Creative). Sidoo kale waxay KDQ ka war bixiyeen sidii hufneyd ee kaadh qaybintu u dhacday iyo horumarka laga gaadhay goboladaas.
Howshan kaadh qaybinta ayaa ah mid loogu diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee ku suntan inay dhacdo 13Nov.2017 ka.
Xubnihii ka soo qayb galay ee ka socday “donor working group” ayaa aad u soo dhaweeyay siday hawsha KDQ u qabteyn, kuna hambalyeeyey waxqabadkooda iyo warbixinta uu komishanku siiyay, waxayna sheegeen inay KDQ gacan ku siinayaan sida ay hawlaha u wadaan.