Gudoomiye Jawaari oo qoraal ku saabsan Mooshinkii Dekeda & Saldhiga Berbera U Diray Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Kheyre (Akhriso)
Muqdisho 26. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa Madaxweynaha iyo Raisul wasaaaraha Somalia u diray qoraal ku saabsan mooshinkii Baarlamanka Somalia uu ka keenay heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Imaaraatka ee lagu wareejiyey dekeda Berbera, saldhig milaterina looga siiyey.
Jawaari oo qoraalkiisa ku lifaaqay mowshinka la geeyey baarlamanka ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dowlada iney cadeeyaan mowqifkooda ku aadan heshiiskaas.
Madaxda sare ayaa qoraalkan loo gudbiyey saddex bilood ka hor ayaa laga sugayaa iney jawaab ka bixiyaan.
Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn uga soo horjeeday heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Imaaraatka ee ku aadan wareejinta dekeda Berbera iyo saldhiga milateri ee dowladaas laga siiyey iney ka dhisato Berbera.