|

Xisbiga Kulmiye oo 15 Jirsaday & Gudoomiye Muuse Biixi oo Tooshka Ku Ifiyey Marxaladihii uu Soo Maray (Mucaarid Iyo Muxaafid) Iyo Higsigiisu Halka uu Ku Jihaysan Yahay DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maalintii Shalay Xusay 15 Guurada ka soo Wareegtay Aasaaskii Xisbiga Kulmiye oo ku astaysan 23-kii Bishii May Sannadkii 2002-dii.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ururinta afkaarta bulshada reer Somaliland muhiimad weyn u leedahay KULMIYE, taasna uu ku guulaystay, “Qodobka koowaad ee xisbiga lagu aasaasay waa in la ururiyo fikradaha kala duwan ee dadka, in la ururiyo oo la isu keeno danaha kala duwan ee ummadda reer Somaliland, inaad qaranka Somaliland oo dhan dantooda, wax ay kaa qaadan karaan iyo wax ay iska dhex arki karaan meel isugu keentaa hawlyar maaha, laakiin KULMIYE wuxuu ku guulaystay inuu barnaamijkaas sameeyo, waxaana ka shaqeeyey rag aqoonyahan ah oo Siilaanyo iyo Fagadhe ka mid ahaayeen,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Murrashax Muuse Biixi waxa si cad u sheegay in xisbiga KULMIYE mar walba maanka ku hayo sidii uu u dabooli lahaa qabyooyinka jira ee dalka, isla amrkaana aanay ku weynayn rabitaanka kursigu, isaga oo caddeeyey inay ka go’an tahay aqbalaadda natiijada ay Komishanka Doorashada kadib soo saari doonaan, waxaannu uu yidhi, “KULMIYE marka uu shirayo maanta wuu is canaantaa, waayo KULMIYE ma eego wixii u qabtay ee waxa mar walba u muuqda baahida inoo taalla, caqabadaha ina horyaalla iyo hawsha ina sugaysa, kumana faano wixii uu qabtay, aragtida KULMIYE-na waa taas, KULMIYE waxa uu diyaar u yahay natiijada kasoo baxda Komishanka si xor ah oo xalaal ah in aannu u hoggaansanno, waayo annagu mucaaradna waanu soo marnay iyo kursi la kala helo iyo mid la heloba, kursi inuu qof yimaadana nooma joogto haddii aannu KULMIYE nahay ee inuu qarankani jiro, nabad ahaado oo marba ninkii helaa hoggaamiyo ayaa muhiim noo ah.”

“Haddii aynu KULMIYE nahay waxa inoo aragti iyo himilo ah oo aynu isla wada ognahay inaynaan ahayn kursi doon iyo shaqo-doone aynu ka fikirayno danta qaranku maxay ku hagaagaysaa, mustaqbalkana maxaynu ka doonaynaa ninkii doonaaba ha yimaadee,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed