|

Halista Mobile-ka Jeebka La Geliyo Oo Laga Digay, Iyo Sababta oo La Cadeeyay!!!

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Baadhitaan lagu ogaanayey halista telefoonada gacanta (mobile) ee jeebabka la geliyo ayaa lagaga digay inay keento waxyeelo soo gaadha unugyada taranka ee Ragga.

 

Deraasad ay fuliyeen khubaro ka socotay jaamacada Exter ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in fallaadhaha kasoo baxa mobile-ka ee oo loogu yeedho afka qalaad Electro Magnatic ay waxyeello soo gaadhsiiyaan biyaha taranka ee raga, waa sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee bariga dhexe.

Khabiiradda hoggaaminaysay diraasadan ayaa sheegtay in halistani ay ku koobantahay raga oo kaliya. Waxaanay tidhi, “Waxa suurto gal ah in uu warkani muhiimad gaar ah u leeyahay raga, oo qaarkood xilliganba awooda tarankoodu taagta daran yahay, balse waxaa kale oo lagama maarmaan ah in baadhitaanka lasii ballaadhiyo si loo xaddido dhibaatooyinka caafimaad ee uu arinkani ku leeyahay dadka dagan dhulka”.

Comments are closed