Cudurka Kolooraha Amase Daacuunka Oo Ka Dilaacay Dalka Yeman , Tirada Dadka Qaba ama uu Soo Ritay oo la Shaaciyey & Heerka Fiditaankiisa oo Xawaare Ku Socda
Sanca 23. May 2017 (SDN/QJ):- Sida ay sheegtay hayada caafimaadka adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo ay tahay WHO ugu yaraan 315 qof ayaa u dhintay kolooraha tan iyo bishii afaraad ee sannadkan.
Cudurka Kolooraha ayaa ku fidaya dalka yeman, iyada oo laga shakisan yahay inuu xannuunku gaadho dad lagu qiyaasay 29,300 oo qof oo ku nool 22 gobol oo ka tirsan dalka Yeman
Tan iyo intii uu dalka Yeman galay xaalad deganaan la’aan ah ee ay ku dagaalamayeen jabhada Xuutiyiinta ee Iiraan taageero iyo is-bahaysiga uu sucuudigu horkacayo, waxa uu hoos dhac weyni ku yimid xarumaha caafimaadka, taasi oo sahashay inuu koloore dillaaco.
Todobaadkii hore waxa xaalad deg-deg ah lagaga dhawaaqay caasimada Sanca ee ay jabhadu gacanta ku hayso, ka dib koloore ka dillaacay awgeed.
Kala badh dalka Yeman waxa baaba’ay goobihii caafimaadka iyo qalabkii caafimaadka oo ay saameeyeen dagaalada dalka hadheeyey.