|

14 Askari Oo Ka Tirsan Jabhada Suuriya Ayaa Qarax Lagu Diley

Dimishiq 23. May 2017 (SDN/QJ):- Sida laga soo xigtay kormeerayaasha xuquuq insaanka Suuriya 14 askari ayaa lagu diley deegaanka tuulo ku taala bariga gobolka idlib, jabhada Ahrar Al-shaam ayaa lala eegtay laba qarax oo lagu diley 14 askari oo ka tirsan ciidankooda oo ku sugnaa saldhig ay lahaayeen.

 

War qoraal ah oo ay soo saareen jabhadu ayaa lagu sheegay in ninka qaraxa geystay uu watay mooto uu la dhexgalay saldhig ay ku sugnaayeen askartu, ka dib isqarxiyey halkaasi ku dhaawacay daraasiin kale 14 ku diley

 

Qaraxa ayey jabhadu ku eegaysa ururka DAACISH, balse ilaa hadda ma jirto cid sheegtay masuuliyada qaraxyadaasi. Sawiro la soo geliyey SOCIAL MEDIA ayaa lagu arkayey dhiig iyo meydad daadsan meel uu ku yaallo dhismo burbursan.

 

Gobolka Idlib ayaa ah meel ay ku xoogan yihiin jabhaduhu, iyaga oo sannadkan bilaabay inay dhexdooda dagaalamaan, waxaana dagaal qadhaadhi dhexmaraa jabhada Ahrar Al-shaam iyo jabhadaha xidhiidhka la leh urur-weynaha Al-Qaacida iyo daacish. Daacish ayaa ka soo horjeeda dhammaan jabhadaha ka dagaalama Suuriya.

Comments are closed