Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyay Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sucuudiga SAWIRO
Riyadh 21. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya , waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madax katirsan Boqortooyada Sacuudiga.
Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka magaalada Riyaad uga furmay Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, waxaana shirkaasi looga hadli doonaa arimo kala duwan.
Shirkan inta uu socdo waxaa diirada lagu saarin doono la dagaalanka kooxaha loogu yeero xagjirka ah,waxaana ka qeyb galaya inta badan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga sucuudiga.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in shirka kadib kulamo la qaato qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirkan, waxa uuna kala hadli doonaa taageerada dowlada iyo in garab lagu siiyo la dagaalnka kooxda Al Shabaab.