“Anigu Waxaan Idiin Ballanqaadayaa Haddii Ilaahay Halkaas I Keeno In Nin Dhallinyaro Ah Oo 20-Jir Ah Oo Reer Somaliland Ahi Ay Gacmuhu Dhididaan’’ Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO
Hargaysa 21. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Balan ku qaaday in Hadii uu Hogaaminta Qarankan uu qabto ay Dhallinyaradu noqon doonaan Kuwo Waxqabad Muujiya.
Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay in sida keliya ee dunidu ku hormartay tahay in dal waliba dadkiisa xoogga ah ka shaqaysiiyey, sidaasi darteedna uu doonayo in dhallinyarada reer Somaliland uu galiyo shaqooyin ay dalkooda iyo ubadkoodba wax ugu qabtaan, “Anigu waxaan idiin ballanqaadayaa haddii Ilaahay halkaas I keeno in nin dhallinyaro ah oo 20-jir ah oo reer Somaliland ahi ay gacmuhu dhididaan oo aad tacab gashaan, mana aha inaad fadhidaan oo intaad shaadh cad soo xidhato aad tidhaahdo shaqaan doonayaa, xammaal baa lagaa dhigayaa, waddooyinkaa la idinku qodayaa, buurahaa la idiin dirayaa, si aad idinku u dhibtootaan, laakiin kuwa aad dhali doontaan iyo kuwa dambe u helaan waddo hagaagsan, dal walbana sidaas ayaa lagu dhisaye laguma dhisin sheeko,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.